War Deg Deg:Khilaaf Cusub Oo Soo Kala Dhex Galay Musharaxiinta Madaxweynaha & Guddiga Qaban-qaabada Doorashada

0
Wednesday February 01, 2017 - 08:09:47 in by Burco Office
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:Khilaaf Cusub Oo Soo Kala Dhex Galay Musharaxiinta Madaxweynaha & Guddiga Qaban-qaabada Doorashada

    inta badan musharaxiinta u taagan doorashada madaxtinimada Somalia ayaa ka hor yimid go'aankii ka soo baxay guddiga doorashada madaxweynaha ee lagu laalay doodii ay yeelan lahaayeen musharaxiinta ee ka bixi laheyd dhinaca Tv-ga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

inta badan musharaxiinta u taagan doorashada madaxtinimada Somalia ayaa ka hor yimid go'aankii ka soo baxay guddiga doorashada madaxweynaha ee lagu laalay doodii ay yeelan lahaayeen musharaxiinta ee ka bixi laheyd dhinaca Tv-ga. Musharaxiinta ayaa diiday in dooda la duubo ka dibna laga sii daayo Tv-ga Qaranka, iyagoo ka cabsi qabay in qeybo ka mid ah la jaro, waxayna Xuseen in haddii aan toos loo sii deyneynin aysan ka qeyb galaynin.

Balse guddiga doorashada ayaa sheegay in cilad dhinaca internetka ah oo jirtay awgeed aysan suuragelin maanta in toos Tv-ga looga sii daaayo dooda.

Guddoomiyaha guddiga doorashada doorashada Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dooda ay aheyd mid tijaabo ah oo ku cusub jadwalka doorashada madaxweynaha, sidaa daraadeed waxaa uu sheegay inay go’aan ku gaareen gabi ahaanba in la joojiyo, maadaama buu yiri waqtigu aad u kooban yahay.

Balse kulan ay galabta ku yeesheen magaalada Muqdisho ku dhowaad 20 musharax ayey ku sheegeen in guddiga doorashadu uusan awood u laheyn joojinta dooda, isla markaana ay tani tahay mid go'aankeeda uu leeyahay taallo baarlamanka Soomaliya, waxayna guddiga doorashada ka dalbadeen inuu ka laabto go’aankaas, doodana la qabto. 

Sidoo kale waxay musharaxiintu soo jeediyeen in guddiga doorashada laga saaro xubin cadeeyey inuu taageersan yahay Musharax Xasan Shiikh Maxamuud. 

Waxay kaloo sheegeen in go'aan kasta ee doorashada khuseeya dhinacyada amniga, warbaahinta, habraaca iyo maamuskaba ee aan musharraxiinta lagala tashan uu dhaawacayo kalsoonida ay ku qabaan doorashada, go'aano cadna ay ka qaadan doonaan.

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaan weli ka jawaabin arrimahan, lamana halka uu ku biyo shuban doono khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay guddigan iyo musharaxiinta.