Liverpool Iyo Chelsea Oo Dhibcaha Ku Qeybsaday Anfield Road Xilli Diego Costa Uu Qasaariyay Gool Ku Laad Guul Siin Karay Kooxdiisa

0
Wednesday February 01, 2017 - 08:15:37 in by Burco Office
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Iyo Chelsea Oo Dhibcaha Ku Qeybsaday Anfield Road Xilli Diego Costa Uu Qasaariyay Gool Ku Laad Guul Siin Karay Kooxdiisa

    Laba Gool oo ay kala dhaliyeen David Luiz iyo Wijanldum ayaa barbaro kusoo idleeyay kulankii Anfield ku dhexmaray Liverpool iyo Chelsea

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba Gool oo ay kala dhaliyeen David Luiz iyo Wijanldum ayaa barbaro kusoo idleeyay kulankii Anfield ku dhexmaray Liverpool iyo Chelsea

iyadoo Reds ay ka badbaaday in markii afaraad oo xiriir ah guuldaro kusoo gaarta garoonkoda.

Blues ayaa heshay faa’iidada ugu badan ee kulamada isbuucaan madama ay dhibic kusii kordhisay hogaanka horyaalka, 9-dhibcood ayey Blues ku hogaamineysaa xiligaan madama ay guuldaro la kulantay Arsenal oo aheyd kooxda kusoo xigtay halka Spurs qudheeda ay barbaro kala kulantay Sunderland.

Liverpool ayaa si cajiib leh ku bilaabatay kulanka Anfield iyadoo kaashaneysa Jamaahiirteeda, wiilasha Jurgen Klopp ayaana u muuqday kuwa dardar leh waxeyna isku dayayeen iney cadaadis saaraan daafaca Blues inkastoo Antonio Conte iyo wiilashiisa ay ahaayeen kuwa u dhiiran.

HALIS!Wijalndum ayaa sameeyay halistii ugu horeysay kulanka markii uu kubad awood leh ku tuuray goolka Blues, Thibaut Courtois ayaana si aan caadi aheyn isaga badbaadiyay daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta.

Mark Clattenbrug ayaa digniin cad siiyay tababare Antonio Conte kaas oo u muuqday inuu ku xad gudbay xeerka kubadda cagta inkastoo ugu dambeyn macalinka reer talyaani uu garwaaqsaday qaladkiisa isagoo madaxa u salaaxay Jurgen Klopp.

Victor Moses iyo Willian ayaa laba kubadood oo fursad lagu abuuri karay lagu siiyay diilinta ganaaxa geesteeda, balse daafaca Liverpool ayaa u babac dhigay kuwaas oo labada kubadoodba koorne u saaray.

LIVERPOOL 0 – 1 CHELSEA

David Luiz ayaa hogaanka u dhiibay Chelsa daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta markii uu si lama filaan ah laad xor ah shabaqa Reds u dhex dhigay, xidig walba oo Liverpool ah iyo goolhaye Simon Mignolet ayaana si lama filaan ah kubadda shabaqa

HALIS!!Willian aya sameeyay isku day halis ah markii uu laad xor ah kasoo tuuray dhanka midig ee goolka, Simon Mignolet ayaana si aan caadi aheyn u badbaadiyay daqiiqadii 29-aad ee ciyaarta.

Qeybta h--e ee ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 1-0, iyadoo Liverpool ay aheyd kooxda ugu cad-cad kulanka balsewiilasha Antonio Conte waxey sameeyeen

Qeybta labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo Liverpool ay aheyd koox xamaasadeysan halka Blues ay aheyd mar walba koox ku ciyaareysay taatiko weerar gaadmo ah.

Victor Moses ayaa helay fursad uu Chelsea ugu dhalin karay goolkii labaad ee ciyaarta markii ay daafaca Liverpool kubada iska qaldeen, balse xidiga reer birta salkeeda ayuu ku dhuftay kubad u furneed inuu siiyo Eden Hazard daqiiqadii 51-aad.

LIVERPOOL 1 – 1 CHELSEA

Georginio Wijnaldum ayaa barbaro u keenay Liverpool daqiiqadii 58-aad ee ciyaarta markii uu si qurux badan u dhameystiray kubad uu caawinteeda lahaa James Milner inkastoo ay kusii dhacday Victor Moses.

Liverpool ayaa heshay fursad kale oo ay gool ku heli kareen markii Emre Can uu kubad ka dhex helay xerada ganaaxa, balse kubadii uu goolka aadiyay waxaa isku dhigay Marcos Alonso.

BADBAADO!Diego Costa ayaa ka qasaariyay kooxdiisa gool ku laad daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta, waxaana si tartiib ah u badbaadiyay Simon Mignolet, wuxuu u ahaan lahaa goolkiisii 16-aad ee horyaalka balse ma dhicin inuu dhameystiro xidiga reer Spain.

HALIS!Pedro Rodriguez ayaa sameeyay isku day aan caadi aheyn markii uu kubad aan caadi aheyn ka helay N’Golo Kante, wiilkii h--e Barcelona ayaana kubada mariyay geesta goolka daqiiqadii 89-aad ee ciyaarta.

HALIS!Roberto Firmino ayaa sameeyay isku day wadnaha istaajin gaaray Jamaahiirta Blues markii uu kubad aan caadi aheyn ka helay Sadio Mane, si fiican ayuu u madaxeeyay balse Courtois ayaa si hal haleel ah u qabsaday.

Labada kooxood midkood kuma guuleysan iney helaan gool guul ah, waxaana ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro 1-1, Blues ayaana heshay faa’idada ugu badan madama ay dhibic ku kordhisay dhibcahii ay hogaanka ku heysay