War Degdeg Ah:Maareeyaha dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed [Xoor Xoor], ayaa ku guuleystay inuu sii daayo eedaysanayaashii loo haystay kiiskii isku dayga dilka ahaa ee Xildhibaan Qabile oo hore loogu eedeeyey

0
Friday February 21, 2014 - 23:03:55 in by London Office
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg Ah:Maareeyaha dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed [Xoor Xoor], ayaa ku guuleystay inuu sii daayo eedaysanayaashii loo haystay kiiskii isku dayga dilka ahaa ee Xildhibaan Qabile oo hore loogu eedeeyey

    Maareeyaha dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed [Xoor Xoor], ayaa ku guuleystay inuu sii daayo eedaysanayaashii loo haystay kiiskii isku dayga dilka ahaa ee Xildhibaan Qabile oo hore loogu eedeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Engineer xoor-xoor Berbera port
Maareeyaha dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed [Xoor Xoor], ayaa ku guuleystay inuu sii daayo eedaysanayaashii loo haystay kiiskii isku dayga dilka ahaa ee Xildhibaan Qabile oo hore loogu eedeeyey Hargeysa [AfK)- Maareeyaha dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed [Xoor
Xoor], ayaa ku guuleystay inuu sii daayo eedaysanayaashii loo haystay
kiiskii isku dayga dilka ahaa ee Xildhibaan Qabile oo hore loogu
eedeeyey
inuu ka dambeeyey albaabulka dilkan, isagoo adeegsanayey xilka qaran
ee uu hayo.

Sida ay Shabakedda Wararka afkashacabka.com u xaqiijiyeen ilo aad loogu
kalsoon yahay lana socday kolba halka uu marayo kiiskani. Ayaa noo
sheegay in la sii daayey Tubaarak Maxamed Ducaale iyo eedaysane kale
oo lagu magacaabo Ismaaciil Laangadhe oo la sheegay inuu kiiskan kula
lamaanaa Tubaarak.

Labadan eedaysane, ayey ilahani noo sheegeen in shalay galinkii dambe
la soo daayey. Iyadoo la sheegay inay ku baxday siidayntooda lacag
dhan 9,000,000[ Sagaal milyan Shilin]. Oo shilin Somaliland oo uu bixiyey
Maareeye Cali Xoor-xoor. Sidoo kale $ 15'000 [Shan iyo toban  kun oo
Dollar] ayey ilahani noo sheegeen in la siiyey odayaasha labada
dhinaca ee Xildhibaan Qabile iyo labada eedaysane oo xabsiga magaalada
Hargeysa ku jiray tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu kiiskaasi ka
dhacay Hargeysa.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa sidoo kale la siiyey $ 20'000
oo dollar [Labaatan kun oo Dollar], iyadoo guri afar qola looga dhisay
magaalada Hargeysa si uu uga tanaasulo kiiskan isla markaana loo
dambabaso halkaas-na loogu xidho. Iyadoo la adeegsanayo hab-
qaabiileysan ama xeer dhaqameed, lagaga-na tallaabsanayo habka
garsoorka caddaalada ku dhisan, maadaama oo kiisku galayo hadii la
baadho rag xilal kala duwan qaranka ka hayo oo markii hore-ba aad
loogu eedaynayey ku lug lahaanshahooda.

Kiisankan iskudayga dilka ah oo lagu kacay Xildhibaan Qabile bishii
October ee sannadkii hore 2013-kii, isla markaana laga meeraystay in
loo gudbiyo hay'adaha garsoonka si loogu qaado xunkun, lagu eedeeyey
inuu soo abaabulay Maareeye Cali Xoor-xoor, iyadoo arintana sababtay
inuu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi
[Cirro] u saaro Guddi Xildhibaano ah oo daba gasha kiiskan waxa hor
taagan iyo waliba sababta loogu gudbin laayahay ha'yadaha garsoonka ee
awooda u leh inay qaadaan ka garsooristiisa.

Dhanka kale, dhacdadan ama kiiskan oo dadweynaha intiisa badani u
dhegtaagayeen inay si rasmiya u ogaadaan cidda ka dambaysay, ayaa aad
u la yaaban. Iyagoo u arka inay tahay arin aad u xun, isla markaana
meel ka dhac ku ah ha'yadaha garsoorka dalka, maadaama oo kiiskii la
doonayey inay si caddaaladda qaadaan, isla markaana u baadhaan oo
dhexda loo istaagay iyadoo laga baqo qabo inay cadaato ku lug
lahaanshaha masuuliyiintii markii hore-ba lagu eedeynayey dhacdadan.
Iyadoo arintani ugub ku tahay dalka, isla markaana ay cadaadtay in
aanay xukuumaddu raali ka ahayn baadhista kiiskan oo ahaa mid ay si
weyn u la yaabeen bulshadda reer Somaliland markii uu soo baxay.

Warkan oo aanu isku daynay in aanu wax weyn diino dhinaca-yadda uu la
xidhiidho noo may suurto galin, kadib markii uu telefoonadooda gacantu
ay xidhnaayeen, masuuliyiinta uu sida tooska ah u khuseeyo warkani.

Afkashacka.com
Hargeysa/Office
Contact@Afkashacbka.Com