Warbixin: Afarta Macalin Ee La Filayo Iney Badalka U Noqdaan Arsene Wenger Oo Lasii Qiyaasay, Miyuu Ku Jiraa Simeone?

0
Friday February 10, 2017 - 12:56:50 in by Burco Office
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Afarta Macalin Ee La Filayo Iney Badalka U Noqdaan Arsene Wenger Oo Lasii Qiyaasay, Miyuu Ku Jiraa Simeone?

    Arsenal ayaa durba sii calaameysatay afar tababare oo badal u noqon kara tababare Arsene Wenger hadii uu isaga tago dhamaadka xagaagan kooxda inkastoo heshiis laba sano ah miiska loo saaray. Ma jirto kalsooni badan oo ay maamulka ku qab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal ayaa durba sii calaameysatay afar tababare oo badal u noqon kara tababare Arsene Wenger hadii uu isaga tago dhamaadka xagaagan kooxda inkastoo heshiis laba sano ah miiska loo saaray. Ma jirto kalsooni badan oo ay maamulka ku qab

aan in Arsene Wenger uu heshiiska cusub aqbali doono iyadoo la ogyahay in macalinkaan uu 8 Malyan oo Pound sanadkii ka qaato garoonka Emirates Stadium.

Sida ay qortay Mirror Football oo xiganeysa ilo ku dhaw Gunners, tababaraha Borrusia DortmundThomas Tuchel ayaa ah dooqa koowaad ee kooxda Gunners kaas oo si fiican u agaasimay Dortmund markii uu kala dhantaalay Jurgen Klopp.

 

Sidoo kale macalinka Bayer LeverkusenRoger Schmidt, midka Juventus Max Allegri iyo kan MonacoLeonardo Jardim ayaa ku jira liiska tababarayaasha ay macquulka tahay iney badalaan macalinka ku gaamuray waqooyiga London.

Warar laga helayo talyaaniga ayaa carabaabaya in Allegri uu isaga tagi doono shaqada Juventus marka uu xagaagan dhamaado taasoo loo fasiran karo inuu usii gacmo baneysanayo shaqada Gunners.

Dhanka kale waxaa jira warar xan ah oo aan sidaa u buurneen oo tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone la xiriirinaya Gunners balse maahan xan dad badan hadal hayaan.