WARBIXIN: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Xogta Xili Ciyaareedkan Ee Horyaalka Premier Leaque-ga Ee Min Heer Kooxeed Ilaa Min Heerka Ciyaartoyda Ugu Bandhiga Fiican.

0
Saturday February 11, 2017 - 11:09:51 in by Burco Office
  • Visits: 1077
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Xogta Xili Ciyaareedkan Ee Horyaalka Premier Leaque-ga Ee Min Heer Kooxeed Ilaa Min Heerka Ciyaartoyda Ugu Bandhiga Fiican.

    Waxaa laysku diyaarinayaa kulamada 25 aad ee horyaalka premier Leaque-ga oo maanta iyo caawa qayb ka mid ah la ciyaari doono, waxaana jira dadaalo kala duwan oo ay ku jiraan 20 ka kooxood ee ku tartamaya horyaalka heerka kowaad ee England. Lix kooxoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa laysku diyaarinayaa kulamada 25 aad ee horyaalka premier Leaque-ga oo maanta iyo caawa qayb ka mid ah la ciyaari doono, waxaana jira dadaalo kala duwan oo ay ku jiraan 20 ka kooxood ee ku tartamaya horyaalka heerka kowaad ee England. Lix kooxood ayaa wali xisaab ahaan ku

guulaysan kara koobka Premier Leaque-ga laakiin waxa uu koobku gacanteeda ku jiraa Chelsea haddii ay sii xejisato dhibcaha ay hogaanka hadda ku hayso.

Laakiin waxay u muuqataa in tartanka ugu xoogani uu ka jiri doono kaalinta labaad ilaa kaalinta saddexaad ee loogu soo baxo Champions Leaque-ga. Kooxaha Tottenham, Manchester City, Arsenal, Liverpool iyo Manchester United ayaa si xoogan ugu loolamaya kaalmaha hore iyada oo Chelsea ugu dhaw dahay in ay xili ciyaareedkan dib ugu soo laabto horyaalka kooxaha Yurub ee ay xili ciyaareedkii hore seegtay.

Haddaba shabakada Gool24.net oo si joogto ah idiinku soo gudbisay warbixino dhamaystiran ayaa halkan idiinku haysa xogta xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier leaque-ga ee 24 kii kulan ee la soo ciyaaray waxayna xogtani iskugu jirtaa mid heer kooxdeed ah iyo waliba xidigaha ugu bandhiga fiican xili ciyaareedkan iyada oo la tixraacayo xogta laga ururiyay kulamadii ay soo ciyareen.

Dhinaca kooxaha waxaanu warbixintan ku qaadaa dhigi doonaa xogta kooxaha dhaliyay goolasha ugu badan, kubbad dhiibista ugu badan, shabaqa nadiifta ah ee ay kooxaha ugu badani garoonka kala baxeen iyo waliba karoosyada ugu badan ee ay kooxuhu sameeyeen. Sidoo kale waxaanu qormadan ku eegi doonaa xidigaha ugu bandhiga fiicnaa kulamadii 24 ka ahaa ee laga soo ciyaaray Premier Leaque-ga.

XOGTA KOOXAHA EE HORYAALKA PREMIER LEAQUE-GA:

Haddii aan ku horayno xogta kooxaha Premier leaqueg-a iyo kooxaha goolasha ugu badan ilaa hadda soo dhaliyay ayay si wada jir ah u hogaaminayaan kooxaha Arsenal iyo Liverpool inkasta oo ay kulamadii ugu danbeeyay soo dhibtoonayeen. Gunners iyo Reds ayaa ilaa hadda soo dhaliyay min 52 gool oo horyaalka Premier leaque-ga ah mana jirto koox saddexaad oo wali soo gaadhay heerkooda gool dhalinta.

Laakiin kooxda hogaaka Premier leaque-ga haysa ee Chelsea ayaa hal gool oo kaliya ka hoosaysa kooxaha Arsenal iyo Liverpool waxayna kooxda Antonio Conte soo dhalisay 51 gool oo Premier leaque-ga ah waxaana kaalinta afraad 49 gool ugu jirta kooxda Guardiola ee Sky Blues oo soo dhalisay 49 gool oo horyaalka Ingiriiska ah. Tottenham ayaa 46 heer shabaqa soo taabtay halka Everton ay lixda kooxood ee ugu goolasha badan ku dhamaystirtay 40 gool. Man United ayaa 36 gool ku soo dhalisay 24 kulan iyada oo waliba 15 ka mid ah uu soo dhaliyay Ibrahimovic.

Liiska Kooxaha Ilaa Hadda Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay Kulamadii Premier leaque-ga:

Dhinaca kale Chelsea ayaa hogaaminaysa kooxaha kulamada ugu badan shabaqooda wax gool ah ka ilaaliyay iyada oo kooxda Antonio Conte ay xili ciyaareedkan awooday in 13 kulan ay garoonka ka baxaan iyaga oo shabaqoodu nadiif ka yahay wax gool ah. Ma jirto koox la mid ah Blues oo xili ciyaareedkan tiro la mid ah shabaqeeda ilaashatay waxaana amaan ku leh saddexda difaac iyo goolhaye Courtios oo shaqo cajiib ah qabtay inkasta oo ay si wada jir ah kooxdu uga shaqaysay.

Tottenham ayaa sida ay kaalinta labaad ugaga jirto horyaalka Premier Leaque-ga markale kaalinta labaad ugu jirta kooxaha shabaqa nadiifta ah ee ugu badan garoonka kala baxay waxayna Spurs 11 kulan shabaqeeda ka joojisay in wax gool ah laga dhaliyo.Mancheste United (9), Southampton (8), Arsenal, Everton iyo Middlesbourgh oo min 7 kulan shabaqooda ilaaliyay ayaa liiskan xaga sare kaga jira.

Liiska Kooxaha Kulamadii Ugu Badnaa Xili Ciyaareedkan Shabaqooda Goolaasha Ka Ilaaliyay:

Haddii aan hore ugu sii socono xogta kooxaha Premier leaque-ga ee xili ciyaareedkan iyo kooxaha kubbad dhiibista ugu baan bixiyay ayay hogaaminaysaa kooxda Liverpool taas oo 24 kulan ka soo bixisay 14,645 baas ama kubbad dhiibiseed, mana jirto koox Reds ilaa hadda ku gaadhaysa kubbad bixinta.

Waxaa kaalinta labaad ku jirta Machester City oo ilaa hadda soo bixisay 14,102 baas ama ubbad dhiibiseed iyada oo Guardiola looga bartay inuu ciyaartoyda kooxdiisa si wayn ugu barbaariyo in ay kubbad qurux badan oo isku dhiibasho badan ka sameeyaan kulamada ay ciyaarayaan balse waxaa wali ka horeeya Klopp iyo kooxdiisa Reds.

Arsenal ayaa kaalinta saddexaad kaga jirta liiska kooxaha kubbad dhiibista ugu badan soo sameeyay xili ciyaareedkan halka Manchester Untied ay kaalinta afraad xidhatay waxaana shanta kooxood ee xili ciyaareedkan ugu kubbad dhiibista badan dhamaystirtay Tottenham laakiin kooxda hogaanka Premier leaque-ga haysa ee chelsea ayaa ku dhacday kaalinta lixaad waxayna bixisay 12,408 baas ama kubbad dhiibiseed.

Liiska Kooxaha Ilaa Hadda Kubbad Dhiibista Ama Baaska Ugu Badan Bixiyay Ee Premier Leaque-ga:

Aan xogta kooxaha ku soo gabagabayno kooxaha ilaa hadda sameeyay karoosyada ugu badan ee horyaalka premier leaque-ga iyo kooxaha ay danta wayni ugu jirto in kubbada lagu soo tuuro xerada ganaaxa. Kooxda Southampton ayaa noqotay kooxda xili ciyaareedkan samaysay karoosyada ugu badan oo ah 644 karoos ama kubbadaha lagu soo tuuray xerada ganaaxa.

Manchester United ayaa kaalinta labaad ku jirta waxayna samaysay 611 karoos halka Crystal Palce ay kaalinta saddexaad ugu jirto 579 karoos. Liverpool (526), Swansea City (517) iyo Manchester City (510) ayaa dhamaystiray lixda kooxood ee karoosyada ugu badan xili ciyaareedkan soo sameeyay.

Liiska Kooxaha Xili Ciyaareedkan Karoosyada Ugu Badan Ka Soo Sameeyay Premier leaque-ga:

XOG KALE OO DHEERAAD AH:

Kulankii Xili Ciyaareedkan ugu Daawashada Badnaa premier leaque-ga

Manchester United Vs Southamtpon – 75,326 qof

Kulankii Xili Ciyaareedkan ugu Daawashada Yaraa premier leaque-ga

Bournemouth Vs Hull City – 11,029 Qof

Kulankii Xili Ciyaareedkan Goolasha Ugu Badan Lag Dhaliyay Premier leaque-ga:

Bournemouth 6-1 Hull City

Kooxdii Martida Ahayd Ee Goolasha Ugu Badan Ku Soo Badisay Xili Ciyaareedkan Ee PL:

West Ham United 1-5 Arsenal

Kulankii Ay Labada Kooxood Goolasha Ugu Badan Iska Dhaliyeen Xili Ciyaareedkan Ee PL:

Swansea City 5-4 Crystal Palace

Guulihii Ugu Badnaa Ee Xidhidhka Ahaa Ee Ay Xili Ciyaareedkan Kooxi Soo Gaadhay:

Chelsea = 13 Kulan oo guulo xidhiidh ah.

Kulamadii Ugu Badnaa Ee Guuldaro La’aanta Premier leaque-ga Ee Xili Ciyaareedkan:

Mancheste United = 15 kulan oo guuldaro la’aan ah.

Guulaha Ugu Badan Ee Xidhiidh Ah Ee Ay Kooxi Garoonkeeda Ku gaadhay:

Chelsea = 9 guulood oo xidhiidh ah ayay ku gaadhay Stamford Bridge.

Kulamadii Ugu Badnaa Ee Ayna Kooxi Garoonkeeda Wax Guul Ah Ku Gaadhin Xili Ciyaareedkan:

Swansea City = 11 kulan oo guul la’aan ah ayay soo martay xili ciyaareedkan.

XOGTA CIYAARTOYDA XILI CIYAAREEDKAN UGU BANDHIGA FIICAN PREMIER LEAQUE-GA:

Haddii aan u soo laabano xidigaha ugu bandhiga fiican xili ciyaareedkan ee xogta ugu fiican ilaa hadda haysta ayaan u qaybin doonaa goolasha ugu badan, gool caawinta ugu badan, kubbad bixinta ugu badan iyo waliba goolhayayaasha sameeyay gool badbaadinta ugu badan. Waxaan sidoo kale soo qaadan doonaa goolhayayaasha kulamada ugu badan shabaqooda goolal ka ilaaliyay.

Liiska Xidiga Ilaa Hadda Sameeyay Gool Caawinta Ugu Badan Ee premier leaque-ga:

Ilaa hadda waxaa gool caawinta xili ciyaareedkan hogaaminayaKevin De Bruyne oo Manchester City ka tirsan kaas oo 24 kii kulan ee ugu horeeyay ka soo sameeyay 9 gool caawineed laakin waxaa min hal gool caawin oo kaliya ka hooseeyaChristian Eriksen oo Tottenham ka tirsan,Matthew Phillip oo West Brom u ciyaara iyo xidiga kooxda Arsenal eeAlexis Sánchez.

Ciyaartoyga Kooxda Gool Caawinta
1 Kevin De Bruyne Manchester City 9
2 Christian Eriksen Tottenham Hotspur 8
Matthew Phillips West Bromwich Albion 8
Alexis Sánchez Arsenal 8
5 Gylfi Sigurdsson Swansea City 7
Adam Lallana Liverpool 7
7 Wilfried Zaha Crystal Palace 6
Dimitri Payet West Ham United 6
Nemanja Matic Chelsea 6
Cesc Fàbregas Chelsea 6

Liiska Xidigaha Ilaa Hadda Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay Premier leaque-ga:

Romelu Lukaku ayaa ka hor kulamada 25 aad hogaaminaya gool dhalinta Premier Leaque-ga wuxuuna soo dhaliyay 16 gool laakiin Zlatan Ibrahimovic, Diego Costa iyo Alexis Sanchez ayaa min 15 gool wadaaga halka Harry Kane iyoJermain Defoe ayna dabyar shidayn oo ay wada leeyihiin min 14 gool.

Ciyaartoyga Kooxda Goolasha
1 Romelu Lukaku Everton 16
2 Zlatan Ibrahimovic Manchester United 15
Diego Costa Chelsea 15
Alexis Sánchez Arsenal 15
5 Harry Kane Tottenham Hotspur 14
Jermain Defoe Sunderland 14
7 Sergio Agüero Manchester City 11
Dele Alli Tottenham Hotspur 11
9 Eden Hazard Chelsea 10
10 Christian Benteke Crystal Palace 9
Sadio Mané Liverpool 9

Liiska Xidigaha Ilaa Hadda Kubbad Dhiibista Ugu Badan Soo Sameeyay Xili Ciyaareedkan Ee PL:

Kantanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa hogaaminaya xidigaha kubbad bixinta ugu badan xili ciyaareedkan ka sameeyay premier leaque-ga wuxuuna ilaa hadda soo bixiyay 2,007 oo baas waxaana ugu soo xiga Paul Pogba oo Man United ka tirsan kaas oo lugtiisa ku bixiyay 1,692 baas ama kubbad dhiibiseed. Ander Herrera,César Azpilicueta iyo Victor Wanyama ayaa liiskan safka hore kaga jira si la mid ahN’Golo Kanté

1. Jordan Henderson Liverpool
England
2,007
2. Paul Pogba Manchester United
France
1,692
3. Ander Herrera Manchester United
Spain
1,561
4. César Azpilicueta Chelsea
Spain
1,463
5. Victor Wanyama Tottenham Hotspur
Kenya
1,411
6. N’Golo Kanté Chelsea
France
1,396
7. Dejan Lovren Liverpool
Croatia
1,385
8. Aleksandar Kolarov Manchester City
Serbia
1,370
9. David Silva Manchester City
Spain
1,345
10. James Milner Liverpool
England
1,333

Liiska Goolhayaasha Xili Ciyaareedkan Goolasha Ugu Badan Ka Badbaadiyay Premier leaque-ga:

1. Tom Heaton Burnley
England
103
2. Ben Foster West Bromwich Albion
England
87
3. Jordan Pickford Sunderland
England
73
4. Lukasz Fabianski Swansea City
Poland
72
5. Petr Cech Arsenal
Czech Republic
70
6. Heurelho Gomes Watford
Brazil
63
6. Lee Grant Stoke City
England
63
8. Artur Boruc Bournemouth
Poland
62
9. Víctor Valdés Middlesbrough
Spain
61
10. Kasper Schmeichel Leicester City
Denmark
59