Hal Abuurad Maryama Xurbo Oo Soo Saartay Maanso Cusub Oo La Magac Baxday Doon Doon

0
Sunday February 12, 2017 - 15:55:36 in by Burco Office
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal Abuurad Maryama Xurbo Oo Soo Saartay Maanso Cusub Oo La Magac Baxday Doon Doon

    Damiir noolow istaag Istaag dadnimooy is taag Qalbiga debcayoow istaag Istaag dadkaygiiyoow istaag Intii dihineey istaag Aqoon diraneey istaag Wadani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Damiir noolow istaag Istaag dadnimooy is taag Qalbiga debcayoow istaag Istaag dadkaygiiyoow istaag Intii dihineey istaag Aqoon diraneey istaag Wadani

daacadoow istaag Wadaad daaciyoow istaag Idaa doqonoow i daa Dayuus akhasoow i daa Ma diirnaxahoow i daa Siyaasi dufloow i daa Dalkiisa cunoow i daa Dadkiisa qashoow i daa Dameer la rartoow i daa Nin doolar rartoow i daa Ku mee daayinoow ku mee Rabiga dooroow ku mee Diinataydii eey ku mee Sunuhii digahoow ku mee (rasuulka cswm) Dariiq saxanoow ku mee 

Aqoon durugtaay ku mee Ninkaan dirtayoow ku mee Kaan duubka sudhoow ku mee Xanaaq degelkoow xanaaq Xanaaq dekedaaay xanaaq Badaydiiyeey xanaaq Xanaaq danyartaay xanaaq Xanaaq da,a yartaay xanaaq Xanaaq dumarkoow xanaaq Xanaaq duur-joogtay xanaaq Xanaaq daacadaay xanaaq Xaanaaq derbigaw xanaaq Bax waar bax dilaalahoow Bax waar doqon daadufoow Bax waar ma daneeyahoow Bax waar danyar ceejiyoow Bax waar dalka iibsadoow Bax waar kaan diidayoow Rabiga dooroow imaw Imaw deeqeey imaw Qalbiga 

debcayoow imaw Imaw diineey imaw Imaw dadnimooy imaw Abaarta bal day arliga Duunyada bal u fiirso madhan Bal daya danyartaa jilcoon Bal daya inta aan dab shidan Bal daya inta bacadka dedan Bal daya inta daadufkaa Bal daya macadanteenan dihin Bal daya dalkan xaalufkaa Bal daya dunjigeena Lumay Rabaw ragan duubka xidhan Durbaanka ragaa la sudhay Ragaa cadaw kala dufsaday Dadkayga 

kuwaa dumiyay Kuwaa Gawskooda degay Ayaan darnalaawayaal Dar khayr qaba noogu door Dastuur sharci iyo sinaan Diin iyo dhaqan iyo samaan Jacayl iyo deris xushmayn Doorkii hore saan ahayn Raboow debec noogu beeg Raboow waxaan doonayaa Wanaag baan doonayaa Dal jira baan doonayaa Diintoo la dugaashadiyo Dadkoo mida baan rabaa Raboow waxaan doonayaa

 Awood baan doonayaa Masuul daacadan rabaa Raboow waxaan doonayaa Dariiq waxan baan rabaa Rabaw waxaan ahay dulmane Dadkaan eray geysan Karin Ayaan damaqooda iyo Raboow dooda u galaa Rabaw waxaan ahay daciif Awooda adaa u diran Adaa dunidani xukuma Adaa sida doora garan Raboow daayinoow na sii Dal aan gaal loo dulayn Dad aan is dubaaqinayan Masuul aan daan ku socon Wadaad aan dayn wacdiga Raboow waan daalanee Adigu noo door saxdiyo Halkaan Denbi noogu jirin Maryama Xurmo Jeesweer