Madaxii Shirkadda Samsung Oo Xabsiga la Dhigay Ka Dib Fadeexado Ku Soo Baxay+Sawiro

0
Friday February 17, 2017 - 13:01:00 in by Burco Office
  • Visits: 368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxii Shirkadda Samsung Oo Xabsiga la Dhigay Ka Dib Fadeexado Ku Soo Baxay+Sawiro

    Madaxii shirkadda Samsung Lee Jae-yong ayaa lagu xiray dalka Kuuriyada Koonfureed isagaoo loo haysto eedaymo uu ka mid yahay Laaluush.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxii shirkadda Samsung Lee Jae-yong ayaa lagu xiray dalka Kuuriyada Koonfureed isagaoo loo haysto eedaymo uu ka mid yahay Laaluush. Xarigan ayaa lala xiriiriyay fadeexaddii horseeday in xilka laga xayuubiyo madaxweynihii wadankaas haweeneyda lagu magacaabo Park Geung-hye.

Shirkadda Samsung ayaa lagu eedeeyay inay deeq siisay heyaddo ay maamusho Choi Soon-sil oo ay saaxiibo yihiin madaxweynihii hore Park, taasoo ay shirkaddu ku badalaneysay inay gacan ka hesho dawladda si ganacsigeedu kor ugu kaco.

Shirkadda Samsung Group iyo madaxeeda la xiray labaduba way iska fogeeyeen eedeymaha loo jeedinayo.

Lee oo oo ah madaxa ku meelgaarka ah ee shirkadda Samsung ayay markii hore dacwad oogeyaashu su'aalo waydiiyeen bishii hore balse waxay go'aansadeen inaysan xirin.

Balse, todobaadkan horaantiisii ayay mar kale su'aaalo waydiiyeen, iyadoo maanta ay maxkamaddu sheegtay inay muhiim tahay in la xiro Lee Jae-Yong ka dib markii dacwaddiisa lagu soo kordhiyay falal dambiyeedyo cusub iyo cadaymo horleh oo la helay.