War Deg Deg:Mujaahid Ibraahin Dhaga-weyne Oo Wasiir Maxamuud Xaashi Ku Sifeeyay Inan yar Oo Lacagi u muuqato

0
Friday February 17, 2017 - 22:14:11 in by Burco Office
  • Visits: 459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg:Mujaahid Ibraahin Dhaga-weyne Oo Wasiir Maxamuud Xaashi Ku Sifeeyay Inan yar Oo Lacagi u muuqato

    Hargaysa(AFKA):-Mujaahid Ibraahim Dhaga-weyne oo ka mida Madasha wada-tashiga Somaliland waxa uu sheegay inaan ummadda Somaliland si fudud dagaal lagu gelin karin, waxaannu tilmaamay inaanu Wasiir Madaxtooyada Maxamuud Xaashi dagaal wax-ba ka tari ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(AFKA):-Mujaahid Ibraahim Dhaga-weyne oo ka mida Madasha wada-tashiga Somaliland waxa uu sheegay inaan ummadda Somaliland si fudud dagaal lagu gelin karin, waxaannu tilmaamay inaanu Wasiir Madaxtooyada Maxamuud Xaashi dagaal wax-ba ka tari karin mid uu ka cararro mooyee.


Mujaahid Ibraahim Dhaga-weyne oo ka hadlaayay dhacdadii baarlamaanka Somaliland ee lagu Ansixiyay heshiiskii milatari ee Imaaraadka, ayaa waxa uu ku tilmaamay hab-dhaqan liita oo somaliland taariikh madow ku ah.


Ibraahim Dhaga-weyne oo arrimahaas ka hadlaaya waxa uu yidhi "Waxaan marka hore u mahad-naqayaa Xildhibaannada sharafta leh ee sida geesinnimada leh u diidday wixii dalka laga waday, waa taariikh oo maalin kale ayaa laga sheekaysan doonnaa Nimankaas dhaammeelka qaatay. Waxaan leeyahay idinku waajibkiinii waad gudateen waa wixii la idin dhaariyay, ee la idin doortay.”

 

Waxa kale oo la yaab lahayd wixii meesha (Baarlamaanka), ka dhacay oo ragii waa-waynaa ee la soo doortay waxa uu Saleebaan Gaal u qaatay Caruur Dugsi ku jirta oo waxa uu bilaabay Waar Bax…..Waar Saara Kanna…Alla farriidsanaa oo raganimo badannaa, waa taariikh lala yaabo in Xildhibaannadii ummaddu soo dooratay. Hadda ninka idin saarraayay ee bax idinku lahaa ummaddu may soo dooran, maalintii daaqadda laga soo gelinnaayay goob-joog ayaynu ahayn, markaasuu kibbir ku darayaa, waa yaab.!

Yarkii Maxamuud Xaashi ee Usama waxa uu yidhi dagaal baynu ku jirnaa, waar goorma ayaynu dagaal galnay? Goorma ayaynu qayb ka noqonnay? Goorma ayaynu Islaam u kala saarnay Shiico iyo Sunne? Waa taariikh madow, waa wax aan wax-ba garanayn, oo aan damiir lahayn oo lagu shaqaysannaayo oo innagu soo hoggaaminnaaya ceebtaas iyo faddeexaddaas uu ku jiro. Dagaalkaas uu innagu waddaa meel uu ka socdo garan-mayno, aniguse waxaan leeyahay adigaa keligaa geli-doonna, adigay waajib tahay in lagula dagaalamo.

Waa Inan yar oo iska ciyaarraaya, waxa u muuqata lacag ee garan-maayo waxa uu ku ciyaarayaa inuu Dab yahay, waxa uu doonnayaa inuu ummaddan gurigeedda Dab ugu keenno, waxa uu doonnayaa inuu Ummaddan barakiciyo oo gantaallo ku soo hogaamiyo, waxaan leeyahay waa cid kula qabtaa ma jirto, waa kaligaa, waar dagaal aad na gelinaysaa ma jiro, mid aad kaligaa geli kartaanna ma jiro, mid aad ka cararto mooyee.” Ayuu yidhi Mujaahid Ibraahim Dhaga-weyne.