Madaxweynaha Gambia Oo Maanta Lagu Caleemo Saarayo Banjul

0
Saturday February 18, 2017 - 08:32:37 in by Burco Office
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Gambia Oo Maanta Lagu Caleemo Saarayo Banjul

    Wuxu ballan qaaday inuu waa cusub u bariin doono dalkan mudada dheer uu gacanta bira ku hayey Yahye Jammeh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxu ballan qaaday inuu waa cusub u bariin doono dalkan mudada dheer uu gacanta bira ku hayey Yahye Jammeh.

Barrow waxa bishii hore lagu dhaariyey safaaradda Gambia ku leedahay dalka ay olloga yihiin ee Senegal ka dib markii ninkii mudada dheer dalka ka talinayey diiday inuu xilka iskaga dego markii doorashada lagaga adkaaday.

Madaxweynaha cusub ee Gambia, Adama Barrow, ayaa si rasmi ah loogu caleemo saari doonaa caasimadda Banjul, halkaas oo ay ka dhici doonaan dabaal degyada lagu xusayo 52 guuradii madaxbannaanida dalka.

Gambia waxay madaxbannaanidiisu 52 jirsanaysaa manta laakiin Adama Barrow wuxu noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee mudaa dalku yeesho.

Wuxu ballan qaaday inuu waa cusub u bariin doono dalkan mudada dheer uu gacanta bira ku hayey Yahye Jammeh.

Jammeh waxa lagaga adkaaday doorashadii dhacday bishii Diisember, laakiin xilka wuu isku sii dhejiyey ilaa xoogag ka tirsan ciidamo goboleedka Galbeedka Afrika ay ku dirqiyeen inuu xilka ka dego.

 

Gambia waxay haatan ku biiri doontaa ururada caalamiga ah ee ay ka midka yihiin Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo Ururka Barwaaqo Sooranka.

Kumanaan qof ayaa la filayaa in ay ka qayb galaan xafladda caleemo saarka oo ka dhicci doonta garoonka weyne ee kubbada cagta ee ku yaal caasimadda.

 

Sources:BBC