Muj Xasan Ciise Jamac oo ka hadlay Saldhiga Imaaratka ee Berbera Talooyin Muhiim ahna u jeediyey Xukuumada

0
Saturday February 18, 2017 - 09:05:43 in by Burco Office
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muj Xasan Ciise Jamac oo ka hadlay Saldhiga Imaaratka ee Berbera Talooyin Muhiim ahna u jeediyey Xukuumada

    Muj Xassan Ciise Jaamac Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland islamarkaana ahaa guddoomiyihiii urur-siyaasaddeedkii XAQSOOR waxaa uu markii ugu horeysay ka hadley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muj Xassan Ciise Jaamac Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland islamarkaana ahaa guddoomiyihiii urur-siyaasaddeedkii XAQSOOR waxaa uu markii ugu horeysay ka hadley

 Saldhiga Ciidan ee magaalada Berbera laga siiyey dawlada Imaaradka Carabta

Muddane Xassan Ciise Jaamac waxaa uu sheegay in habkii loo galay meelmarinta Heshiiskii Imaaraadka Saldhiga Milatari ee berbera aannu habboonayn, waxaannu cadeeye in dhinacyaddii arrintaas maamullaayay aannay wakhti ku filan siinin.

Sidoo kale Muj Xassan Ciise oo qoraal kooban oo u arintan kaga hadlaayo u gudbiyey qaarkamida warbaahinta waxaa uu cadeeyey in wali wakhti badan la haysto oo dhinacyadda iska soo horjeeddaa isku qancin karraan.

Guddoomiyihii urur-siyaasaddeedkii XAQSOOR Xasan Ciise Jaamac waxa uu tilmaamay sida ay muhiimka u tahay midnimadda bulshadda somaliland marka ay tahay arimaha aasaasiga ah, waxaana uu yidhi

"Arrinta Saldhiga ciidan ee Imaaraadka ee la yidhi Berbera halaga siiyo looma gelin sidii ku habboonayd. Waxay ku hagaagsanayd arrintaasi in ka hor intaan la horgayn Baarlamaanka in Wakhti loogu talo-galo in labadda dhinac ee qolanna taageerayso Saldhiga Milatari, qolanna diiddan tahay ay is-qanciyaan.

Waxaan soo jeeddinayaa in dib loogu noqdo dariiqii saxa ahaa ee wada-tashiga iyo is-qancinta.” Ayuu yidhi Mudane, Xasan Ciise Jaamac. Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi

"Waxa muhiim ah in aynu wali haysanno wakhti aynu ku raaddino qanaacaddii labadda dhinac ee lama huraanka ahayd, sababtoo ah midnimadda Somaliland waa innagu qasab markay timaado arrimaha aasaasiga ah.

Somaliland halkan waxay ku soo gaadhay wada-tashi iyo is-qancin, waxaan markaan soo jeeddin lahaa in Odayaashii awalba waan-waanta ka shaqayn jirey ay arrinta dakhso u gallaan.” Ayuu yidhi Guddoomiye Xasan Ciise Jaamac.