Waxqabadkii Muddo 60 Cisho ah. Wasiirka W.Dhaqanka Iyo Dalxiiska Macalin Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilahi....W/Q Xuseen Cabdikariim Maxamed -

0
Saturday February 18, 2017 - 16:08:59 in by Burco Office
  • Visits: 1262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadkii Muddo 60 Cisho ah. Wasiirka W.Dhaqanka Iyo Dalxiiska Macalin Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilahi....W/Q Xuseen Cabdikariim Maxamed -

    Wasiir khaddar xaaji waa Macalin ku soo dhex jiray madasha qalinka iyo buuga in ka badan 20 sano,waa asaasaha dugsi ka mid ah dugsiyaydda ugu caan-san Dalka AL-JAZEERA SEC SCHOOL,Waa barre ku caan ah cilmiga sayniska iyo xisaabta,Waa warshad soo saar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir khaddar xaaji waa Macalin ku soo dhex jiray madasha qalinka iyo buuga in ka badan 20 sano,waa asaasaha dugsi ka mid ah dugsiyaydda ugu caan-san Dalka AL-JAZEERA SEC SCHOOL,Waa barre ku caan ah cilmiga sayniska iyo xisaabta,Waa warshad soo saartay in ka badan 20,000 oo arday oo reer Somaliland ah oo ay ku jiraan Madax badan oo dhalinyar ah oo dalkani hada leyhay ama uu ku faano.


Sidoo kale waa Bulshaawi leh dabaceed wacan iyowaa siyaasi dhalinyar oo maskaxdiisa Fayow u diyaariyay inuu uga faa,idayo dalkiisa hooyo ee Somaliland,Waa aqoonyahan cilmi xeel dheer u leh Arrimaha Siyasada.


Furfurnaan oo u ogalaanaysa inuu ku shaqeeyo xaalad kasta iyo meel kasta,Qofkan ka hadlaya hadaa waa Wasiirka Wasaaradda dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi.

 

Waxa laga Jooga mudo dhan 60 malmood malintii wasiir khaddar xaaji loo magacabay inuu noqdo Wasiirka Wasaradda dhaqanka iyo dalxiiska,Waxaan manta rabaa in aan ku soo koobo maqal kan yar ee kooban Waxyaabaha u qabsoomay wasiirrka mudada uu xilka hayay Waana Sidan:-

1. Qalabaynta Wasaaradda

Wasaardada Dhaqanka iyo dalxiisku waa wasaarada ku Cusub Wasaaradaha Dalka, Waaxaha dhaqanka iyo Dalxiiskuna waxay ku jireen 2 Wasaaradood oo kale,Sidaasi daradeed ma anay ahayn Wasaarad qalabkeedi xafiis u dhamaystirnaa.

Wasiirku waxuu ku guulaystay in uu u qalabeeyo Wasaaradda sida ugu quruxbadan ee loo nashqadayn karayay xafiis shaqo.

Markaaad tagto Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska Waxaad arki doonta Deegaan ka Duwan Wasaaradaha kale ee Dalka,Waxaad Dareemi Doonta Daganaan badan.

2. Dhaqaajinta Waaxda Dalxiiska

Sida aynu ka war qabno Dalkeena hooyo waxuu leeyahay Goobo badan oo caan ku ah dalxiiska sida Buuraha DAALO, GACANLIBAX iyo Waliba Dagmada LAASGEEL, oo marka ay indhaahaguna qabtaan ku siiinaya Dareen dheerad ah oo ku saabsan jiritaanka Facawayn ee Taarikheed ee Dalkeena Hooyo.

Dalxiisku waxa uu ku jiraa ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan Dunida Casriga ah Tusaale ahaan dalka Masar Waxa uu leyahay Goobo badan oo dalxiiska loo tago,dalxiisku waxa uu ku jira ilaha ugu horeeya ee dhaqaalaha dalkaasi ka soo baxo Waxaana ka soo xarooda qiyaas ahaantii Xadi lacag ah oo dhan 20 Billion oo doller Sanad kasta.

Dalka Malaysia isna aan u soo qaato Tusaale kale Dalxiiska waxa ka soo Xarooda 35 Billion oo doller Sanadka kasta, Hadaba si kor loogu qaado Dhaqalaaha dalka Waxa laga maarman ah in la Kobciyo waaxda Dalxiiska ee Wasaardda Dalxiiska iyo dhaqanka ayadoo la samaynayo Talaabo kasta oo kor loogu qaadi karo Sida:-

v Ilaalinta Goobaha Dalxiiska

v Sahaminta Goobo kale oo Taarikheed

v Tayaynta Shaqaalaha iyo Qalabka Waaxda Dalxiiska,IWM.

3. Samaynta Qorshaha Sagashanka(90) Maalmood.

Qorshaha iyo samaynta qaab-dhismeed shaqo ama maamul waa furaha guusha Goobta aad ka Gudanayso hawl maalmeedkaga,inaad qorshe cad samayso adigoo raacaya Jadwalka maalinlaha ee ku dhajisan gidaarka xafiiskaaga ama kugu jira Computerkaaga shaqo waa ka kuu Fududaynaya inaad shaqadaada ka gaadho Natiijo midho dhal ah.

Samaynta qorshaha Shaqo waxuu kaa Fududaynaya/yaraynayaa culayska shaqada.

Wasiirka Wasaaraddu dhaqanka iyo Dalxiisku waxuu ku Guulaysatay inu sameeyo Qorshaha Sagaashanka(90) Maalmood ee ugu Horeeya Muddo xileedkiisa Wasiir-nimo isagoo ka duulaya Xeerarka shaqo ee asaasiga ah iyo awooda dhaqaale ee Wasaaradda dhaqanka iyo Dalxiiska Kaashanaya dhalinyaro aqoon yahano ah.

Qodobada ugu muuhiimsan ee qorshahan 90 Maalmoodna ma jecli inan ka Hor dhaco dhawaan baa la soo bandhigi doona INSHAA ALLAH.

4. Shaqaalaysiinta Dhalinyarada Aqoonyahanka ah.

Dhalinyaradu waa Xooga Cusub ee dalkeenu leyahay xaga(Dhaqaale iyo Aqooneed),Waxay Mudan yihiin in la ilaaliyo Gacantana la qabto si loo gaadhsiiyo Qofkasta Hamigiisa Nololeed ee ku salaysan Diinta Islaamka iyo Waliba aduunyo ayadoo la eegayo Heerka Aqooneed ee ay ka taagan yihiin Cilmiga Maadiga ah.

Dhalinyaradda waxa lagu Qiyaasa Marka loo eego Tirada Guud ee Dadwaynaha dalka 65% oo ka dhigaysa in ay laba(2)jeer ka badan yihiin Tirada dadka waawayn ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiisku si uu u rumeeyo Hamigiisa dhalinyarnimo ee uu xambaarsan yahay Waxaa Gacantiisa midig iyo Ta bidixba ka dhigtay dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Somaliland ee ka baxay Jamacadaha Dalka,Dhalinyartu waa kuwa Wadayaasha ka ah Horumarka Wasaaradu ku talaabsatay mudadii 60 cisho ah ee Wasaaraddu Jirtay ama shaqaynaysay,Wasiirku waxa uu ku soo kordhiyay Qaybaha Wasaardda Dhalinyaro badan oo aqoonyahan isagoo Magacaabay Agaasimayaal iyo Isu-duwayaaal dhalinyar ah oo Wakiil ka noqon doona hawlo baaxad wayn, Waxaan Tusaale u soo qaadan karaa Dhalinyarada Hormuudka ah hawlaha Wasaaradda Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta(Admin and Finance) Hamse Faysal Awdahir iyo Xoghayaha Wasiirka Abdikarim Baashe Cabdilaahi iyo kuwa kale oo anan xusi Karin Magacyadooda

Gunti iyo Gabagabadii Waxaan ku soo Koobaya Qoraalkan Kooban Duco iyo Dardaaran aan u diraayo Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Waxaan ilahay uga baryayaa in Ilaahay u Fududeeyo Xilka Culus ee uu Qaranka Quruxda Iyo Qaayaha badan uu Masuulka uga yahay.

Waxaan Kula dardarmayaa Cabsida Rabbi SWT.

W/Q Eng.Hussein Abdikarim Mohamed