Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SYNA oo Warsaxaafadeed ka soo saartay maalinta Dhalinyarada Somaliland +Hambalyona u diraysa Dhalinyarada Somalilnad

0
Monday February 20, 2017 - 16:25:07 in by Burco Office
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SYNA oo Warsaxaafadeed ka soo saartay maalinta Dhalinyarada Somaliland +Hambalyona u diraysa Dhalinyarada Somalilnad

    Dallada isku xidhka iyo Wacyigelinta Dhalinyarada Somaliland ee SYNA oo Warsaxaafadeed ka soo saartay maalinta Dhalinyarada Somaliland ee UFO (Hambalyona u diraysa Dhalinyarada Somalilnad)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dallada isku xidhka iyo Wacyigelinta Dhalinyarada Somaliland ee SYNA oo Warsaxaafadeed ka soo saartay maalinta Dhalinyarada Somaliland ee UFO (Hambalyona u diraysa Dhalinyarada Somalilnad)

Dallada Iskuxidhka iyo wacyigelinta Dhalinyarada Somaliland ee SYNA waxa ay Hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhamaan dhalinyarada Jamhuuriyada Somaliland Meel kasta oo ay Joogaan Munaasabada Xuska Maalinta loo asteeyey dhalinyarada Somaliland February 20,Maalintan oo ku wayn shacbi waynaha Jamhuuriyada Somaliland iyadoo ay ahayd Maalintii Dhagax-tuurka ee dhalinyaro reer Somaliland ahi ay kala hor tageen taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre, iyadoo taliskaasi uu xukun ku qaaday dhalinyaradii xidhnayd eeUFO.


Dallada isku xidhka iyo wacyigelinta dhalinyarada Somaliland ee SYNA waxa ay dhalinyarada reer Somaliland urajaynayaan in ilaahay Saanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bashbash iyo Barwaaqo.

Dallada SYNA waxay ugu baaqeysaa Dhallinyaradda JSL inay la yimaadaan Midnimo, Wax-wada-qabsi, Afkaar toolmoon iyo Tabaruc ay xoogooda u tabo-rucaan dalkooda iyo dadkoodaba.


Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee SYNA waxay hambalyo u direysaa dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan Dhallinyaradda Somaliland iyadoo u rajaynaysa Somaliland Guul waarta iyo Gobonimo. Sannad-guuro wacan, Somaliland ha jirto oo ha waarto,

ALLAA MAHADLEH

Mahbuub Hussein Ismail (MrBurao)

Gudoomiyaha Dallada SYNA

Burco/ Somaliland

Syna.org@hotmail.com

+252-63-4331708/ +252-65-9309754