Deg Deg: Agaasimihii STAR Tv oo Xabsiga la Dhigay iyo Sababaha Xadhigiisa

0
Tuesday February 21, 2017 - 07:49:16 in by Burco Office
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg: Agaasimihii STAR Tv oo Xabsiga la Dhigay iyo Sababaha Xadhigiisa

    Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa goor-dhaweyd xabsiga u taxaabay agaasimahii Talefeeshanka Star Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo sida oo kale na ah abwaan sugaan dhaadhi ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa goor-dhaweyd xabsiga u taxaabay agaasimahii Talefeeshanka Star Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo sida oo kale na ah abwaan sugaan dhaadhi ah.

IMG_8525

Ilaa hada lama garanaayo cidda amartay xadhigiisa balse ciidamada Boolisku waxa ay ku war-geliyeen in sababta loo xidhay ay tahay arrinta Saldhiga Berbera oo uu muddooyinkii dambe si aada uga hadli jiray, waxaana uu hada ku xidhan yahay xarunta dembi baadhista ciidamada C.I.D-da. Sidoo kale kamay hadal Xukuumaddu xadhiga Maxamed Baashe, waxayse u muuqata cabudhin iyo cago juglayn ay Xukuumaddu is leedahay kaga hortaga dadka aqoonta iyo fahamka dheer ee ka hadlaayay khatarta saldhigaas ciidan dalka u leeyahay. Ilo xog ogaal oo kale ayaa sheegay in xadhigiisa uu ka danbeeyo safiirka imaaraatku kaasoo uu dhowr jeer ugu duurxulay bartiisa facebook qoraagu, iyadoo halkudhigyo uu hore u adeegsay agaasime maxmed baashe ay ka mid ahaayeen "Baashe Bidaartayda ayuu Baloodh ka Bixin doonaa"  Si kastaba ahaatee waxa laga war dhowraya xilliga kama dambaysta ah ee u so bixi doono cidda rasmiga ah ee uu u xidhanyhy agaasime qora maxmed bashe xaji xasan