Guddoomiye Cirro oo Kulan La Qaatay Haweeneyda Dawladda Ingiriiska u Qaabilsan Somaliland iyo Madaxa Hay'adda DFID Ee Horumarinta Caalmiga ah

0
Wednesday February 22, 2017 - 18:44:30 in by salman abdi
  • Visits: 498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cirro oo Kulan La Qaatay Haweeneyda Dawladda Ingiriiska u Qaabilsan Somaliland iyo Madaxa Hay'adda DFID Ee Horumarinta Caalmiga ah

    urashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa kulan gaara la qaatay uqaabilsanaha dawladda Ingiriiska ee Somaliland Mr's.Lizzie iyo Madaxa hay'adda DFID ee dawladda Ingiriiska u qaabilsan horumarinta caalamiga ah, ku waasi oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

urashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa kulan gaara la qaatay uqaabilsanaha dawladda Ingiriiska ee Somaliland Mr's.Lizzie iyo Madaxa hay'adda DFID ee dawladda Ingiriiska u qaabilsan horumarinta caalamiga ah, ku waasi oo ku sugnaa magaalada Hargeysa.


Waxaana guddoomiye Cirro ku wehelinaayey la taliyahiisa arrimaha dibadda Marwo Faadumo Siciid iyo weli ba sida oo kale Madaxa hawl-wadeenada Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Aqoonyahan Baashe,ayaa waxa ay labada dhinac ba si aada uga wada-hadleen arrimo badan oo khuseeya Doorashooyinka, Abaaraha iyo weli ba sida oo kale siddii ay u fulin lahayeen balan-qaad hore oo mas’uuliyiinta Xisbiga ay ugu sameeyeen magaalada Nayroobi taasi oo daarneyd in ay lacago kaga qeyb-qaadanayaan abaaraha ka jira Somaliland.

Kulankan oo muddo saacado ah socday, ayaa ay labada dhinac ba si aada isu la fahmeen arrimaha Doorashooyinka iyo weli ba sida oo kale siddii loo sii adkeyn lahaa xidhiidhka Somaliland ay la lee dahay dawladda Ingiriiska oo uu guddoomiye Cirro u sheegay in dawladda Ingiriisku ay ka mid tahay wadamada ay saaxiibka la ah Somaliland.

Dhanka kale na haweenayda dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo weli ba sida oo kale sarkaalka sare ee madaxda ka ah hay’adda DFID ee horumairinta caalamiga ah u qaabilsan dawladdaas Ingiriiska, ayaa labaddoodu ba waxa ay halkaas kaga dhawaaqeen in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay dawladda Ingiriisku u fulineyso qaadhaankii lacaggeed ee ay hore ugu balan-qaaday in ay ka geysaneyso sida oo kale na kaga qeyb-qaadaneyso abaaraha ka jira Somaliland.

Displaying 108A2708.JPG

 

 

Displaying 108A2712.JPG

Displaying 108A2717.JPG

Displaying 108A2718.JPG

Displaying 108A2723.JPG

Displaying 108A2726.JPG

Displaying 108A2728.JPG

Displaying 108A2730.JPG

Displaying 108A2740.JPG