Wada Hadaladii Nabada Ee Dalka Suuriya Oo Ka Furmaya Magaalada Geneva

0
Thursday February 23, 2017 - 09:45:47 in by Burco Office
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wada Hadaladii Nabada Ee Dalka Suuriya Oo Ka Furmaya Magaalada Geneva

    Wareegii afaraad ee wadahadalada nabada Suuriya ayaa lagu wadaa in maanta ay ka furmaan magaalada Geneva, waxaana markii ugu horeysay muddo sanad ah magaaladaasi ku kulmaya ergo ka kala socota dowladda iyo mucaaradka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareegii afaraad ee wadahadalada nabada Suuriya ayaa lagu wadaa in maanta ay ka furmaan magaalada Geneva, waxaana markii ugu horeysay muddo sanad ah magaaladaasi ku kulmaya ergo ka kala socota dowladda iyo mucaaradka.

Ergo ka socota dowladda Suuriya iyo mucaaradka ayaa gaaray Geneva, taasoo muujineysa sida labada dhinac ay uga go'antahay wadaxaajoodka.Saddexdii wareeg ee hore ayaa dhammaantood kusoo gebagaboobay natiijo la'aan, waxaana sii socday colaadda Suuriya ee galaafatay noolasha in ka badan 300 oo kun oo qof, ayna ku barakaceen malaayiin kale.

Wadahadalada ayaa loo arkaa kuwo looga doodi doono qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dastuur cusub oo ay yeelato Suuriya iyo qabashada doorashooyin ay dusha kala socon doonto Qaramada Midoobay.

 

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in la carqaladeeyo xabbad joojinta aan cagaha badan ku taagneyn ee hadda ka jirta inta badan Suuriya.

Arrinta sida weyn indhaha loogu hayo ayaa ah waxyaabaha ay xukuumadda Suuriya ka tanaasuli doonto, maadaama ay muddooyinkii dambe dhul muhiim ah ka qabsatay mucaaradka sii tabar dhigaya.

 

 

Source:-BBCsomali