Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Nool Dalka Ingiriiska Oo Abaabulaya Mudaharaad Ay Kaga Soo Horjeedaan Saldhigga Milatari Ee Imaaraadka.

0
Thursday February 23, 2017 - 15:51:08 in by salman abdi
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Nool Dalka Ingiriiska Oo Abaabulaya Mudaharaad Ay Kaga Soo Horjeedaan Saldhigga Milatari Ee Imaaraadka.

    London(AFKA);Dhallinyaro reer Somaliland ah oo ku dhaqan dalalka Yurub gaar ahaan waddanka Ingiriiska ayaa toddobaadkii ugu dambeeyey waxa ay abaabulayaan oo baraha xidhiidhka Bulshada isku dhaafsanayaan olole ku aaddan qorshe ay damacsan yihiin oo a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(AFKA);Dhallinyaro reer Somaliland ah oo ku dhaqan dalalka Yurub gaar ahaan waddanka Ingiriiska ayaa toddobaadkii ugu dambeeyey waxa ay abaabulayaan oo baraha xidhiidhka Bulshada isku dhaafsanayaan olole ku aaddan qorshe ay damacsan yihiin oo ah in ay Mudaharaad ballaadhan ka hor sameeyeen Safaaradda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ku leeyahay Magaaladda London

ee Carriga dalka Ingiriiska kaasi oo ay doonayaan in ay dhigaan Bisha soo socota ee March Labadeeda 2-March ee sannadkan 2017-ka.

Mudaharaadkan oo ay hal-ku-dheg uga dhigeen ‘Maya Saldhigga Milatari ee Somaliland’ ayay kooxda Dhallinyarada ah ee reer Somaliland ee abaabulaysaa waxa ay si weyn ugu baahiyeen baraha xidhiidhka Bulshada iyaga oo dhallinyarada ku guubaabinaya in ay ka soo qayb galaan mudaharaadkaasi oo ay doonayaan in ay si nabad gelyo ah ugu muujiyaan dareenkooda ku aaddan sal-dhiggaasi Milatari oo Bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba ku keenay walaac weyn oo ay kaga xun yihiin kaddib qaabkii foosha xumaa ee labada Aqal ee Baarlamanku ugu gacan taageen qorshiha saldhiggan oo ay xukuumaddu dabada ka riixaysay.

Dhallinyarada Mudaharaadkan abaabulaya ayaa sidoo kale doonaya in ay mudaharaadkooda ku soo beegaan joogitaanka Wafti Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo hogaaminayaa uu ku joogo Caasimadda Ingiriiska ee London. Waxaanay sidoo kale dhallinyarada Mudaharaadkan abaabulayaa doonayaan in ay Safaaradda Imaaraadka ka hor mudaharaadaan si ay ugu muujiyaan diidmada shacabka reer Somaliland ka qabaan saldhiggaasi Milatari ee uu doonayo in uu ku yeesho Magaalada Berbera waxaanay safaaradda hor iman doonaan iyaga oo sita boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin ereyo lagaga soo horjeedo Saldhiggaai Milatari halka ay sidoo kale qorshaynayaan in ay dhambaallo ay arrinkan kaga hadlayaan u kala gudbiyaan safiirka dalkaasi Imaaraadka u fadhiga London, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska iyo dawlado kale gaar ahaan kuwa daneeya arrimaha Somaliland.