Xidiga Valencia Ee Fabian Orellana Oo Xili Ciyaareedkan Real Madrid Goolal Kaga Dhaliyay Laba Kooxood Oo Kala Duwan Iyo Waliba Sheeko Kale Oo Xiiso Leh.

0
Friday February 24, 2017 - 10:04:14 in by Burco Office
  • Visits: 1441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidiga Valencia Ee Fabian Orellana Oo Xili Ciyaareedkan Real Madrid Goolal Kaga Dhaliyay Laba Kooxood Oo Kala Duwan Iyo Waliba Sheeko Kale Oo Xiiso Leh.

    Guud ahaan wax sahlan ma aha in xidig uu xili ciyaareedka dhan goolal ka dhaliyo Real Madrid,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guud ahaan wax sahlan ma aha in xidig uu xili ciyaareedka dhan goolal ka dhaliyo Real Madrid,

 waxayna gool dhaliyaal badani ku dhibtoodaan sidii ay ku gaadhi lahaayeen shabaq Los Merengues laakiin taasi waxaa ka duwan inFabian Orellana uu xili ciyaareedkan ka yaabsaday kooxda Zidane isla markanaa uu laba gool ka dhaliyay isaga oo ka tirsan laba kooxood oo kala duwan.

KulankiiEstadio Santiago Bernabeu ee bishii August 2016 ayay kooxda Celta Vigo soo booqaday Real Madrid, waxaana markaas Celta Vigo ka tirsanaa 31 sano jirkaFabian Orellana wuxuuna kooxdiisii Celta Vigo markaas u dhaliyay gool inkasta oo ay Real Madrid 2:1 guul ku gaadhay.

LaakiinFabian Orellana ayaa kulankii Valencia dhaliyay goolkiisii labaad ee uu xili ciyaareedkan ka dhaliyay Real Madrid iyada oo waliba uu ka ciyaarayay laba kooxood oo kala duwan, laakiin markan sheekada ayaa noqotay mid ka duwan tii Bernabeu, waxaana 2:1 guul ku gaadhay kooxda uuFabian Orellana markan ka ciyaarayay ee Valencia.

Laakiin waxa kale arintan xiiso u yeelaya inFabian Orellana uu kulankii Bernabeu uu goolkii Celta Vigo ka dhaliyay goolhaye Kiko Casilla halka goolka uu udhaliyay Valencia uu ka dhaliyay Keylor Navas, taas oo la micno ah in uu xili ciyaareedkan Real Madrid ka dhaliyay laba gool isaga oo ka ciyaaraya laba kooxood oo kala duwan isla marakana uu labadan gool ka dhaliyay laba goolhaye oo Real Madrid ah oo kala duwan!.