Kiimikadii Loo Adeegsaday Dilka Ninka Ay Isku Aabaha Yihiin Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Oo La Ogaaday

0
Friday February 24, 2017 - 13:53:27 in by salman abdi
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kiimikadii Loo Adeegsaday Dilka Ninka Ay Isku Aabaha Yihiin Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Oo La Ogaaday

    Malayshiya kuma aysan eedaynin Kuuriyada Waqooyi dilka ninkan, laakiin waxay sheegtay in ay caddahay in Kuuriyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Malayshiya kuma aysan eedaynin Kuuriyada Waqooyi dilka ninkan, laakiin waxay sheegtay in ay caddahay in Kuuriyada

Kim Jong-nam ayaa lagu dilay garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumpur ka dib markii ay sun wajiga ka mariyeen labo haween ah.Kiimikadii loo adeegsaday dilka ninka ay isku aabaha yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa la ogaaday in ay ahayd kiimiko neerfayaasha wax yeesha, sida uu sheegay booliiska dalka Malayshiya.

Sunta wajigiisa laga helay ayaa la ogaaday in nooceedu ay tahay "VX oo neerfeyaasha waxyeesha" Qaaramada Midoobayna waxay ku dartay hubka wax gumaada.

Malayshiya kuma aysan eedaynin Kuuriyada Waqooyi dilka ninkan, laakiin waxay sheegtay in ay caddahay in Kuuriyada Waqooyi ay ka dambayso dilka.

Booliisku wuxuu sheegay in waaxaa kiimikooyinka ee Malayshiya ay kiimikadan ka heshay indhaha iyo


wajiga Kim Jong-nam.

 

Dhawr ruux oo Kuuriyada Waqooyi u dhalatay ayaa loo baadigoobayaa dilka ninkaas.

SOURCES:BBC.