Madaxwaynaha Somaliya Farmaajo Oo Boqday Xabsiga Magalada Muqdisho.

0
Sunday February 26, 2017 - 22:00:09 in by salman abdi
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somaliya Farmaajo Oo Boqday Xabsiga Magalada Muqdisho.

    Muqdisho(AFKA);Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maanta Booqday Xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana madaxweynaha uu kormeeray qeybaha Xabsiga uu ka koobanyahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maanta Booqday Xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana madaxweynaha uu kormeeray qeybaha Xabsiga uu ka koobanyahay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirka Cadaaladda Gen C/llahi Jaamac Ilka-jiir iyo Saraakiil kale, ayaa madaxweyne Farmaajo kusoo dhoweeyay xabsiga iyagoona si wada jir ah u galay Qolalka ay ku xiranyihiin maxaabiista.

‘Markii aan ku jiray Xarunta Agoonta Wiilasha ee Lafoole Barbaariyaasha joogay Xaruntaasi waxay sameyn jireen habeenkii markaan seexaneyno Caloosheyna ayey taaban jireen si ay u ogaadaan in ay gaajo na heyso iyo inkale, sidaas oo kale ayaan rabnaa in Maanta la sameeyo, ilgaar ah ayaana u yeelan doonnaa Arrimhaasi” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale waxaa uu amray in maxaabiista dhameystay waqtiga xabsiga lasii daayo. Waxaa sidoo kale uu boggaadiyey taliska ciidanka asluubta ee ka shaqeeya Xabsiga dhexe ee Xamar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa intii uu ku jiray Ololaha waxaa uu sheegay in uu wax ka qaban doono cadaaladda uuna il gaar ah u yeelan doono xabsiyada ku yaala dalka Soomaaliya.