Dawlada Britain Oo Loogu Baaqay Inay Xidhiidhka Ruushka Uga Faa,iidaysato Koobka Aduunka Ee Marti Gelinayo

0
Friday March 03, 2017 - 15:14:02 in by salman abdi
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Britain Oo Loogu Baaqay Inay Xidhiidhka Ruushka Uga Faa,iidaysato Koobka Aduunka Ee Marti Gelinayo

    Xildhibaannada Britain ayaa ku baaqay in dawladdoodu ay Koobka Adduunka ee lagu qabanayo Ruushka sanadka soo socda u adeegsato hagaajinta calaaqaadka hooseya ee ay la leedahay dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Britain ayaa ku baaqay in dawladdoodu ay Koobka Adduunka ee lagu qabanayo Ruushka sanadka soo socda u adeegsato hagaajinta calaaqaadka hooseya ee ay la leedahay dalkaas.

Guddigu waxaa kale oo uu ku baaqay in taa badalkeeda la kordhiyo shaqaalaha qunsuliyadda iyo iskaashiga ay la leeyihiin booliiska si loogu diyaargaroobo in dhib uusan ka dhicin goobaha ay dadka badan isugu imaanayaan.Gudiga arrimaha dibadda ee Britain ayaa ka digay in dawladdu ay kubadda cagta u adeegsato meel ay ku soo bandhigto sida ay uga soo horjeedo siyaasadaha madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Tartanka ayaa dhacaya 14 June ilaa 15 July 2018.

Guddigan


ayaa sheegay walaaca ay ka qabaan xuquuqda aadanaha, saraynta sharciga, iyo dawooyinka awoodda jirka kordhiya ee ay ciyaaryahannada Ruushku isticmaaleen iyaga oo dawladda gacan ka helay.

 

Xildhibaannadani waxay sheegeen in hay'adda kubadda maamusha ay u baahan tahay in ay si joogto ah uga baaraan dagto in Ruushku ay wali u qalmaan in uu Koobka Adduunka martigelin karo.

Laakiin xildhibaannada Britain waxay ku baaqeen in iyaga looga baahan yahay in ay halkaas u tagaan ugana soo dhalaalaan ciyaaraha oo kali ah, waxayna intaas ku dareen in aan meeshaas la gaynin sida loo arko siyaasadda Putin.

Source:-BBCsomali