Israa'iil oo dal ku galka ka mamnuucday dadka ku baaqa in aan alaabtooda la iibsanin.

0
Tuesday March 07, 2017 - 10:00:11 in by salman abdi
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israa'iil oo dal ku galka ka mamnuucday dadka ku baaqa in aan alaabtooda la iibsanin.

    Baarlamaanka Israa'iil ayaa ansixintii u dambaysay ku sameeyay sharci dal ku galka iyo degenaanshaha ka mamnuucaya ajaaniibta taageerta in aan la iibsanin waxyaabaha ay soo saarto Israa'iil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Israa'iil ayaa ansixintii u dambaysay ku sameeyay sharci dal ku galka iyo degenaanshaha ka mamnuucaya ajaaniibta taageerta in aan la iibsanin waxyaabaha ay soo saarto Israa'iil.

Sharcigan cusub wuxuu dhigayaa in aan dal ku gal ama daganaansho la siinin qof kaste oo ku baaqa ama dalbada in aan la iibsanin alaabada ay samayso Israa'iil.

Ma cadda goorta uu go'aankani dhaqan geli doono.

Go'aankan ayaa loo arkaa in lagu bartilmaameedsanayo kooxaha u ol oleeya in aan alaabada laga gadanin.

Kuwaasi waxay isku magacaabaan dhaqdhaqaaq ay horkacayaan Falastiiniyiintu oo raadinaya cadaalad iyo sinaan, Israa'iilna waxay ku doodaa in kooxdaasi ay raadinayso sidii ay ku burburin lahaayeen dalkooda



Xigash/BBC Somali