Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareega sideed dhamaadka tartanka ay koobkiisa difaacanayso ee Champions Leaque-ga kadib markii ay guul soo laabasho 3:1 ah ugu soo awood sheegatay Napoli. Los Blancos ayaa isla natiijadii Bernabeu iyo waliba isla soo laabashiidii guul kaga soo gaadhay Napoli oo awoodi wayday in ay garoonkeeda wax natiijo fiican ah kaga hesho Real Madrid.

0
Wednesday March 08, 2017 - 09:08:41 in by salman abdi
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareega sideed dhamaadka tartanka ay koobkiisa difaacanayso ee Champions Leaque-ga kadib markii ay guul soo laabasho 3:1 ah ugu soo awood sheegatay Napoli. Los Blancos ayaa isla natiijadii Bernabeu iyo waliba isla soo laabashiidii guul kaga soo gaadhay Napoli oo awoodi wayday in ay garoonkeeda wax natiijo fiican ah kaga hesho Real Madrid.

    Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareega sideed dhamaadka tartanka ay koobkiisa difaacanayso ee Champions Leaque-ga kadib markii ay guul soo laabasho 3:1 ah ugu soo awood sheegatay Napoli. Los Blancos ayaa isla natiijadii Bernabeu iyo waliba isla soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareega sideed dhamaadka tartanka ay koobkiisa difaacanayso ee Champions Leaque-ga kadib markii ay guul soo laabasho 3:1 ah ugu soo awood sheegatay Napoli. Los Blancos ayaa isla natiijadii Bernabeu iyo waliba isla soo laabashiidii guul kaga soo gaadhay Napoli oo awoodi wayday in ay garoonkeeda wax natiijo fiican ah kaga hesho Real Madrid.

Sergio Ramos ayaa markale noqoday xidiga Real Madrid guuldaro soo gaadhaysya ka badbaadiyay isla markaana dhinaca kale natiijada ugu dhigay isaga oo Napoli ka dhaliyay laba gool oo darandoori ah oo ay ka soo kabsan kari waayeen waxaana goolka saddexaad dhamadkii ciyaarta raacsaday Alvaro Morata. Cristiano Ronaldo ayaa markale garoonka ka baxay isaga oo aan wax gool ah dhalin isaga oo xili ciyaareedkan 8 kulan ka dhaliyay 2 gool oo kaliya waana tiro goolal ah oo la mid ah inta uu Sergio Ramos kulankan oo kaliya ka dhaliyay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

NAPOLI(4-3-3): Reina; Hysaj, Albiol, Koulibaly, Ghoulam; Allan, Diawara, Hamsik; Callejon, Mertens, Insigne.

KAYDKA:Rafael, Jorginho, Maggio, Maksimovic, Zielinski, Rog, Milik.

REAL MADRID (4-3-3): Navas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modric; Bale, Benzema, Ronaldo.

KAYDKA: Nacho, James, Casilla, Lucas Vazquez, Morata, Isco, Danilo.

Napoli ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo doonaysay inay ka soo laabto guuldaradii 3:1 ahayd ee Bernabeu waxayna ciyaarta ku bilawdeen qaab ciyaareed fiican iyaga oo si xoogan u raadinayay goolasha ay ciyaarta dib ugu soo laaban lahaayeen. Jamaahiirta Napoli oo lix saacadood ka hor kulan garoonka loo sii furay ayaa sawaxan iyo qaylo wayn garoonka ku gilgilayay.

DAQIIQADII 24 AAD GOOOOOOOOOOL!! Napoli ayaa la timid goolkeeda furitaanka ciyaarta ka dhigay mid xiiso badan waxana goolka si qurux badan u dhamaystirayDries Mertens kadib markii uu gool caawin ka helay Marek Hamšík waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Napoli hogaanka ciyaarta ku qabtay, waxayna natiijada wadar ahaanta labada kulan noqotay 3:2 ay wali Real Madrid banaanka ku joogto.

Laakiin Napoli ayaa qaybtii hore ee kulankan awoodi wayday in ay samayso wixii ay doonaysay ee ay in ay qaybta hore ee kulankan shaqo badan qabto laakiin sidoo kale Real Madrid ayaa awoodi wayday in ay ciyaarta disho oo ay la timaado goolka barbraha. Cristiano Ronaldo ayaa ugu dhawaaday in uu Real Madrid u keeno goolka barbaraha laakiin darbadiisa ayaa birta goolka ku dhacday.

Xamaada ciyaarta ayaa ahayd mid aad u shidan iyada oo markan Napoli isku arkaysay in ay u baahan tahay hal gool oo kaliya si ay sharciga goolasha ugu soo bixi karto, waxaana lagu kala nastay 1:0 ay Napoli hogaanka ciyaarta ku haysay iyada oo wadarta labada kulan ahayd 3:2 ay Los Blancos awooda sare ku lahayd laakiin Napoli ayaa maanka ku haysay in haddii gool kale ay hesho uu caawin doono goolkii ay Bernabeu ku dhalisay laakiin kooxda Zidane ayaa la sugayay waxa ay qaybta danbe ee kulankan la soo laaban karto.

Markii laysku soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta wax kastaaba way isbadaleen waxaana saamaynta muruqyada waynta Yurub la soo baxday Los Merengues iyada oo markiiba bilawday qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd ee ay dardarta Napoli uga dhigi lahayd biyo coldhaanshay.

DAQIIQADII 51 AAD GOOOOOOOOOOOL!!Sergio Ramos ayaa noqday geesiga Real Madrid ayaa goolka barbaraha kooxdiisa u keenay isla markaana wadnaha gooyay kumanyaasha jamaahiirta Napoli ee garoonka soo buux dhaafiyay wuxuuna goolkan ku dhaliyay qaabkii uu caanka ku ahaa ee madaxa gantaalka ah kadib markii uu caawin fiican ka helay Toni Kroos, waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah. Haddii aad kooxdaada ku haysatoSergio Ramos ayaa u baahan goolasha Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ama Gareth Bale?????????.

DAQIIQADII 57 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL!! Sergio Ramos ayaa markale Toni Kroos ka helay caawin qurux badan isaga oo kabtanka Los Blancos markale indhaha aduunka ku xaday goolkiisa labaad wuxuuna noqday xalka Real Madrid ee natiijada ciyaarta ay guudlarada ugu jirtay dhinaca kale uga dhigay, wuxuuna Ramos markale goolkan ku dhaliyay madax wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ayReal Madrid hogaanka ciyaarta markeeda ku qabtay.

Seriog Rmaos ayaa sidaa kaga goolal batay Gareth Bale iyo dhamaan xidigaha Real Madrid marka laga reebo Cristiano Ronaldo, Karim Benzema iyo Alvaro Morata,wuxuuna Ramos xili ciyaareedkan dhaliyay 9 gool.Ciyaarta ayaa noqotay mid Real Madrid ay si dhab ah gacanta ugu qabatay waxaana burburtay rajadii Napoli.

DAQIIQADII 90+1 AAD GOOOOOOOOOOOOOL!! Alvaro Morata ayaa ciyaarta ku soo gaba gabeeyay goolka saddeexaad ee Real Madrid kadib markii uu Napoli ugu qubeeyay goolka israaciyay wixii baaqiga garoonka kaga ahaa wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Real Madrid hogaanka ugu raaxaysanayso.

Natiijadan ayaa la mid ah natiijadii kulankii Bernabeu, waliba xisaabta ku darsoo labada kulanba Napoli aya hogaanka ciyaarta kula wareegtay goolka furitaanka. Real Madrid ayaa wadarta labada kulan ka dhigay 6:2 waxayna noqotay natiijo aad ugu culus kooxda Napoli oo ayna filayn in ay kulankan ka hesho.

Ugu danbayn waxay ciyaartu ku dhamaatay 3:1 ay markale Real Madrid ku soo dubatay Napoli, waxaana xusuus mudan in kulamadii lugtii hore ay Real Madrid iyo Bayern Munich iyaga oo garoomadooda joogay ay guulo ku gaadheen 3:1, 5:1 sida ay u kala horeeyaan laakiin waxaa cajiib noqotay in markale iyaga oo marti ah ay guulo ku gaadhaan isla natiijoojinka aan soo sheegnay!!!!. Real Madrid ayaa sidaa ugu soo baxday sideed dhamadka koobka ay difaacanayso ee Champions Leaque-ga.