"Ku Kalsoonaanta Dawladda Somaliland Halis Wayn Ayay Ku Jirtaa, Maalgashiyo Muhiim Ah Ayaana La Waayi Doona" Beesha Caalamka.

0
Friday March 10, 2017 - 16:54:41 in by salman abdi
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ku Kalsoonaanta Dawladda Somaliland Halis Wayn Ayay Ku Jirtaa, Maalgashiyo Muhiim Ah Ayaana La Waayi Doona" Beesha Caalamka.

    Dalalka Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ntherlands, Sweden, Britain, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay inay si qotodheer uga niyad jabeen go'aanka dib loogu dhigay doorashooyiinka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalalka Denmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ntherlands, Sweden, Britain, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay inay si qotodheer uga niyad jabeen go'aanka dib loogu dhigay doorashooyiinka Somaliland.

 Dalalkan oo si dhow ula shaqeeya Somaliland ayaa sheegay in muddada loogu daray dowladda ay ka badan tahay middii ay dalbadeen.

 

beesha_caalamka_warsaxaafadeed_660

"Dib u dhigidda doorashada madaxweynaha iyo midda baarlaamanka waxaa la sameeyay ayadoo aan la sababayn”, ayaa lagu yidhi warka ay sida wada jirka ah u soo saareen dalalkaasi. Waxay sidoo kale sheegeen "Ma jiro qorshe wax looga qabanayo caqabadaha keenay muddada dheer ee loo kordhiyay baarlamaanka”. Waxay warka ku sheegeen in doorashada madaxweynaha laga dhigay bisha November ee 2017-ka, midda baarlamaankana iyo doorashada deegaamadana laga dhigay 2019-ka. "Dib u dhaca wuxuu dhaawacayaa hormarka dimuquraadiyadda ee Somaliland, wuxuuna walaac geliyay ku kalsoonaanta dowladda iyo xushmadda dhaqanka dimuquraadiyadda ee saaxibada caalamiga ah”, ayaa lagu qoray warka. Dowladaha saaxiibada la ah ayaa sheegay in baarlamaanka Somaliland ay xafiiska joogayaan 14 sano oo doorasho la’aan ah, haddii qorshaha hadda la raaco. "Waxay taasi ka badan tahay laba goor, sida uu qorayo dastuurka Somaliland”, ayey sheegeen. Waxay tilmaameen in Guurtida ay ku baraarujinayaan inay muujiyaan xushmadda ay u hayaan codbixiyayaasha Somaliland. "Dib ha u eegaan go’aankooda, hana dejiyaan waqti kama dambeys oo lagu qabanayo doorashada madaxweynaha, baarlamaanka iyo midda deegaamada, sida ugu dhaqsaha badan ee muuqata”. Waxay sheegeen inay meel cad ka taagan yihiin kordhinta waqtiga iyo dib u dhigidda doorashada. Warsaxaafadeedka waxay ku sheegeen "Ku kalsoonaanta dowladda Somaliland halis ayey ku jirtaa, waxaana la wayn doonaa maalgashiyo muhiim ah”. Waxay dowladaha warka soo saaray sheegeen inaysan bixindoonin qarashka ku baxaya dowladda muddada waqtiga loogu daray.