Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Xukun Ku Riday Milxiisaddii Ninka Noqotay Iyo Aroosaddii Uu La Socday Ee La Soo Guursaday.

0
Saturday March 11, 2017 - 15:21:39 in by salman abdi
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Xukun Ku Riday Milxiisaddii Ninka Noqotay Iyo Aroosaddii Uu La Socday Ee La Soo Guursaday.

    Hargeysa(AFKA);Maxakamadda Gobolka Maroodi-Jeex Ee Magaaladda Hargeysa, ayaaxukun ku riday Malxiisadii ninka noqotay iyo Aroosadii uu la socday oo maalmihii u dambeeyey dacwadoodu ka socotay maxkamadda gobolka ee Hargeysa .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA);Maxakamadda Gobolka Maroodi-Jeex Ee Magaaladda Hargeysa, ayaaxukun ku riday Malxiisadii ninka noqotay iyo Aroosadii uu la socday oo maalmihii u dambeeyey dacwadoodu ka socotay maxkamadda gobolka ee Hargeysa .

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaafadhi ay ka yeelatay shalay kiiskan oo ahaa mid noociisu ku cusub yahay Somaliland, isla markaana bulshadu aad ula yaabtay oo ay iskula dhex marayeen, waxa ay ka soo saartay go’aan ay ku xukuntay eedaysaneyaashan loo haysay kiiskan ninka gabadha iska dhigay iyo aroosadii wadatayba.

Xukunkan lagu riday labadan eedaysane, ayaa waxa ay Maxakamaddu ku xukuntay Aroosadii ninka gabadha iska dhigayey wadatay laba sanno oo xadhig ah, halkas ninkiimilxiisada ahaa ee gabadha iska dhigayna lagu xukumayhal sanno iyo lix bilood oo xadhig ah, waxa ay maxkamaddu sidooo kalehal sanno oo xadhig ah ku riday gabadh lagu eedeeyey in ay gacan siinaysay.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maxkamadda Gobolka Marood-jeex ee magaaladda Hargeysa, balse sida ay noo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyey maxkamadda ayaa shalay go’aankan xukunka ah ku riday eedaysaneyaasha uu kiiskoodu ku cusbaa maxkamadda Somaliland, isla markaana ay bulshadu aad ula yabeen falkan oo ninka gabadha soo guursaday ka war bixiyey sidii ay wax ugu dheceen, waxaana ay eedaysaneyaashani ciidanka amaanku soo qabteen markii ay sheekadini soo shaac baxday ee la ogaaday in nin uu iska dhigay gabadh.