Qaraxyo Dhimasho Iyo Khasaare Sababay Oo Ka Dhacay Caasimada Dalka Suuriya Ee Dimishiq.

0
Saturday March 11, 2017 - 19:02:51 in by salman abdi
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Dhimasho Iyo Khasaare Sababay Oo Ka Dhacay Caasimada Dalka Suuriya Ee Dimishiq.

    Qaraxyo Dhimasho Iyo Khasaare Sababay Oo Ka Dhacay Caasimada Dalka Suuriya Ee Dimishiq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxyo Dhimasho Iyo Khasaare Sababay Oo Ka Dhacay Caasimada Dalka Suuriya Ee Dimishiq

Dad gaaraya 40 ruux ayaa ku dhintay laba qarax oo ka dhacay caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq. Qaraxyadan ayaa waxaa ay ka dhaceen meel an ka fogeyn qabuuro tariikhi ah oo ku yaalla caasimaddaasi.


Ilaa iyo hadda ma cadda cidda ka dambeysay weeraradan, hasayeshee waxaa dalkaasi ka dagaalama kooxda isku magacowda dowladda Islaamiga oo iyadu qaraxyo hore ka geystay dalka Suuriya.Goobta la weeraray ayaa waxaa ku yaalla xabaalo ay leeyihiin shiicada dalkaasi. Wararka qaarna waxaa ay sheegayaan in qaraxyadani lala eegtay dad siyaaranayay xabaalahaasi.

Weerarkan haatan dhacay ayaa ku soo beegmay iyadoo magaalada Geneva ay kusoo idladeen wadahadalada nabadda ee Suuriya ee la doonayay in



lagu gaaro xal nabadeed oo lagu soo afjaro xiisadda ka taagan Suuriya.

 

 

 

Source:-BBCsomali