Masuuliyiinta dalalka Midawga Yurub oo meel adag ka istaagay arrinta Turkiga.

0
Monday March 13, 2017 - 10:09:53 in by salman abdi
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta dalalka Midawga Yurub oo meel adag ka istaagay arrinta Turkiga.

    Dalal badan oo ka tirsan Midawga Yurub ayaa meel adag ka istaagay muranka kala dhexeeya Turkiga ee ku aadan dadaalada ay Ankara ku doonayso in ay isu soo baxyo siyaasadeed ku qabato dibadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalal badan oo ka tirsan Midawga Yurub ayaa meel adag ka istaagay muranka kala dhexeeya Turkiga ee ku aadan dadaalada ay Ankara ku doonayso in ay isu soo baxyo siyaasadeed ku qabato dibadda.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jermalka Thomas de Maiziere ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo ol'oleyaasha ay wasiirada Turkigu ku bartilmaameedsanayaan qurbajoogta Jermalka ku sugan.

Ra'iisal wasaaraha Netherlands Mark Rutte ayaa madaxweynaha Erdogan-ka Turkiga ka dalbaday in uu raaali gelin ka bixiyo in uu dadka Netherlands ku tilmaamay Nazi-gii, ka dib markii wasiir Turki ah laga hor istaagay in ay ka qaybgasho isu soo bax lagu qabtay Netherlands.

Isu soo baxyadan ayaa looga gol leeyahay in dadka Turkiga ah ee ku nool Yurub ay haa ugu codeeyaan aftida lagu kordhinayo awoodaha madaxweynaha Turkiga.

Madaxweyne Erdogan waxa uu doonayaa in uu helo awodd badanLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionMadaxweyne Erdogan waxa uu doonayaa in uu helo awood badan

Denmark ayaa sidoo kale dib u dhigtay uu Ra'iisal wasaaraha Turkigu ku tagi lahaa dalkooda, Jermalkuna wuxuuba ka digayaa in ay hadda adkaan doonto in laga xaajoodo gargaarka Turkiga la siiyo.

Rabshado dhexmaray taageerayaasha Erdogan iyo booliska Holland

Booliska ayaa xoog ku kala eryay qiyaastii 1000 qof oo isugu soo baxay bannaanka hore ee qunsuliyadda Turkiga ku leeyahay magaaladaasi.

Wasiirka arrimaha qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya ayaa dooneysay in ay taageero u raadiso aftida loo qaadayo dastuurka dalkaasi bartamaha bisha dambe. Aftida ayaa la doonayaa in dastuurka isbadal lagu sameeyo si awood dheeraad ah loo siiyo madaxweynaha.

Dowladda Netherlands ayaa sheegeysa in isu soo baxyada noocaasi ah ay xiisad ka dhex abuuri karaan dalkeeda oo hadda isu diyarinayo doorasho guud.

Fatma Betul Sayan Kaya, ayaa socdaal dhanka dhulka ah ku tagtay magaaladaasi, iyada oo rajeynaysay in ay ka qayb gasho isu soo bax siyaasadeed oo taageero looga doonayay dadka asal ahaan Turkida ah balse haysata dhalashada Netherlands, haseyeeshee waxaa loo diiday in ay gudaha u gasho qunsuliyadda Turkiga ee ku taala magaaladaasi Rotterdam.

Kaya ayaa waxa ay booliska dalkaasi geeyeen xudduudda Netherlands ay la wadaagto Jarmalka, sida uu xaqiijiyay ra'iisalwasaaraha Netherlands Mark Rutte.

Fatma Betul Sayan Kaya oo la hadlaysa booliska dalka Netherlands.Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionFatma Betul Kaya Sayan ayaa Twitter-keeda ku soo gudbinaysay xogta ku soo saabsan musaafuriskeeda.
Qiyaastii 1,000 qof oo dibadbaxyo dhigaya ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee qunsuliyadda Turkiga ku leeyahay RotterdamLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionQiyaastii 1,000 qof oo dibadbaxyo dhigaya ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee qunsuliyadda Turkiga ku leeyahay Rotterdam

Kal hore, dowladda Netherlands ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ka mamnuucday in uu dalkaasi diyaarad ku soo galo. Wasiirka ayaa hadda waxa uu u safray magaalada Metz oo ku taala woqooyiga Faransiiska, si jaaliyadda Turkiga ee halkaasi deggan uu uga dhaadhiciyo in ay taageeraan isbadalka lagu sameynayo dastuurka.

Xiisadda u dhaxaysa Turkiga iyo Holland oo sii xumaatay

Ra'iisalwasaaraha Netherlands ayaa sheegay in ay adkaatay in xal laga gaaro murankaasi diblomaasiyadeed ee u dahxeeya dalkiisa iyo Turkiga, waxa uuna mas'uuliyad xummo ku tilmaamay booqashada wasiirka arrimaha qoyska ee Turkiga.

Dhiggiisa dalka Turkiga Binali Yildirim ayaa sheegay in Turkigu uu ka aargoosan doono Netherlands oo uu sheegay in ay ku kacday dhaqan aan la aqbali karin.

Wargeyska Hurriyet ee dalka Turkiga ayaa sheegay in wasiirka arrimaha qoyska ee Turkiga ay hadda dalkeeda ku laabatay.

Madaxweyne Erdogan ayaa xukuumadda Netherlands ku tilmaamay "haraadigii Naasiyiinta" bacdamaa ay is hor taageen booqashadii wasiirkiisa arrimaha dibadda.

Muxuu ku saabsan yahay murankani?

Turkiga ayaa afti u qaadaya isbadalka dhanka dastuurka ah, waxaana dowladda ay dooneysaa in dadku ay taageeraan isbadalkan, si madaxweynaha uu u helo awood badan sida kan Mareykanka oo kale.

Haddii aftidu ay u dhacdo sida ay dowladda dooneyso, madaxweyne Erdogan ayaa waxa uu helayaa awood dheeraad ah oo uu xitaa ku soo magacaabi karo golahiisa wasiirada, kuna dejin karo miisaaniyadda dalka oo dhan.

Madaxweynaha ayaa haddii uu aftidan ku guuleysto waxa uu awood u yeelanayaa in uu soo magacaabo xubnaha garsooreyaasha maxkamadaha iyo in uu soo saaro sharci ku saleysan awood madaxweyne.

Madaxweyne Erdogan waxa uu doonayaa in uu helo awodd badanLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionMadaxweyne Erdogan waxa uu doonayaa in uu helo awood badan

Sidoo kale madaxweyne Erdogan ayaa awood u yeelanayo in uu kala diro baarlamaanka isla markaana uu dalka geliyo xaalad deg deg ah. Sidaa awgeed, ayuu Erdogan waxa uu hadda u baahan yahay codadka 5.5 milyan oo qof oo qurbo joog ah basle xaq u leh in ay codkooda ka dhiibtaan aftidan loo qaadayo dastuurka dalkaasi.

Dowladda Turkiga ayaa dooneysay in ay isu soo baxyo siyaasadeed oo ay taageero ku dooneyso ku qabato waddamo badan oo reer Yurub ah oo ay ku nool yihiin jaaliyado Turki ah, sida waddamda Jarmalka, Austria iyo Netherlands. Balse taageerayaasha Erdogan ayaa dhawr waddan waxaa laga hor istaagay in ay ka qayb galaan isu soo baxyadaasi.

Maxay tahay sababta ay waddamadani u mamnuuceen isu soo baxyadaasi?

Inta badan waddamdan mamnuucay isu soo baxyadani ayaa waxa ay arrintaasi ku sababeeyeen arrimo dhanka ammaanka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Austria Sebastian Kurz ayaa sheegay in Erdogan uusan dalkooda isu soo baxyo ku qaban karin maadaama buu yiri arrintaasi ay abuuri karto kala qaybsanaan dadka dalkiisa.

In kastoo dowladda Netherlands ay sheegtay in arrimo ammaan ay u joojisay isu soo baxyada taageerayaasha madaxweyne Erdogan, haddana xaqiiqada jirta ayaa ah in kooxa diidan islaamku ay soo dhaweynta Erdogan iyo wasiiradiisa uga faa'iideysan karaan doorashada soo socota.

Sidoo kale, waddamo badan oo reer Yurub ah ayaan ku qanacsanayn sida dowladda Turkiga ay uga ficilcelisay inqilaabkii fashilmay ee sanadkii hore ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Dowladda Jarmalka ayaa gaar ahaan aad u dhaliishay dadka tirada badan ee ay dowladda Turkiga u xirxiray inqilaabkaasi fashilmay.


Xigasho/BBC Somali