Pogba Waxa Uu Ahaa Xiddigii Ugu Fiicnaa Garoonka" Mourinho Oo Si Adag U Difaacay Xiddiga Ugu Qaalisan Dunida.

0
Tuesday March 14, 2017 - 11:47:22 in by salman abdi
  • Visits: 677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pogba Waxa Uu Ahaa Xiddigii Ugu Fiicnaa Garoonka" Mourinho Oo Si Adag U Difaacay Xiddiga Ugu Qaalisan Dunida.

    Jose Mourinho ayaa si cajiib ah u soo jeediyay in Paul Pogba uu u qalmay abaalmarinta xiddiga garoonka ka dib guuldaradii Man United ka soo gaartay Chelsea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho ayaa si cajiib ah u soo jeediyay in Paul Pogba uu u qalmay abaalmarinta xiddiga garoonka ka dib guuldaradii Man United ka soo gaartay Chelsea.
Ninka reer France ayaa waxaa Stamford Bridge ku soo maray habeen ay tahay inuu iska ilaawo iyadoo dagaalka khadka dhexe uu kaga guuleystay ninka ay isku wadanka yihiin N’Golo Kante.

Kante ayaa dhaliyay goolka guusha, isagoo sii wata qaab ciyaareedyada cajiibka ah ee uu ugu tartamayo abaalmarinta xiddiga sannadka ee Premier League.

Si kastaba, wareysigii uu Mourinho bixiyay ka dib ciyaarta waxa uu soo jeediyay in Pogba uu ahaa xiddiga ciyaarta, inkastoo aysan jirin cid ku raaci karta fekerkaas.

"waa inaan niyadsami muujino, ciyaartoyda waxa ay ahaayeen kuwa cajiib ah laakiin Pogba ayaa ahaa xiddiga ugu fiicnaa garoonka” ayuu yiri Mourinho.

"Waxa uu si weyn uga dhex muuqday garoonka. Isaga gadaashiisa wiilasheyda oo dhan fantastik ayay ahaayeen.

"Khabiirada waxa ay ka dhihi doonaan waxyaabo badan, laakiin fekerkooda waxa uu ku saleysan yahay maseer.

"Waligoodna ma shaqeysan doonaan boqolkiiba 10 inta uu shaqeysto Pogba.”