Gantaal Yemen ku dilay in ka badan 30 Soomaali ah oo doon saarnaa.

0
Saturday March 18, 2017 - 11:28:25 in by salman abdi
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gantaal Yemen ku dilay in ka badan 30 Soomaali ah oo doon saarnaa.

    Ugu yaraan 30 qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay xeebaha dalka Yemen ka dib markii uu gantaal ku habsaday doontii ay ku safrayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 30 qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay xeebaha dalka Yemen ka dib markii uu gantaal ku habsaday doontii ay ku safrayeen.
Ilo laamaha caafimaadka ka tirsan oo ku sugan dekedda jabhaduhu maamulaan ee Hodeidah ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan haween iyo dhallaan, dad kale oo badan oo dhaawac ahna loo wareejiyay isbitaallada magaalada.

Ilaalada xeebaha ayaa saxafiyiinta u sheegay in qaxootigan oo wata warqado aqoonsi oo rasmi ah oo ay bixisay hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ay u sii socdeen Suudaan marka ay weerartay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa waxa ay muujinayaan maydad daadsan doonta dusheeda. Ku dhawaad 80 qof oo badbaaday ayaa waxa loo qaaday cisbitaalada sida ay sheegtay hay'adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM.

Mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay doonta gantaalka lagu dhuftayLahaanshaha sawirkaRONALD GRANT
Image captionMid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay doonta gantaalka lagu dhuftay

Dekadda waxa gacanta ku haya fallaagada Xuutiyiinta, ee dagaalka labada sana socda kula jirta isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga.

Isbahaysiga ayaa gacanta ku hayo maamulka hawada dalka Yemen.

Wakaalada wararka ee Yemen ee Saba oo ay gacanta ku hayaaan fallaagada ayaa sheegtay in qaxootiga laga soo weeraray cirka, weerarkaa noocaasna ay geysan karaan isbahaysiga oo kali ah.

Sidoo kale mid ka mid ilaalada badda oo la yiraahdo Maxamed Alay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters waxa uu u sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo ay qoryo ku rakiban yihiin ay weerarka geysatay.


 
Lama oga wali cidda ka dambeysay weerarka

Balse sarkaal ka shaqeeya dekada ayaa wakaalada wararka ee AFP waxa uu u sheegay in doonida ay soo xiratay, dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmayna lagu garaacay hub fudud.

Isbahaysiga uu Sacuudiga hormuudka u yahay weli kama aysan hadlin dhacdadani.

Ilaa iyo hadda lama oga cidda weerarka gaysatay.

Dalka Yemen ayuuse dagaal sokeeye oo xun ka jiray tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2015kii; saddex meloodow labo ka mid ah bulshada dalkaasina waxay qarka u saaran yihiin in ay maculuuli ku habsato.

Khariidadda Yemen

 
Xigasho/BBC Somali