Wiil Yar Oo 10 Jir Oo Ikhtiraacay Qalab Ka Hortagaaya In Carruurtu Ku Waxyeelawdo Gaadhiyada Kulul.

0
Sunday March 19, 2017 - 11:32:43 in by salman abdi
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Yar Oo 10 Jir Oo Ikhtiraacay Qalab Ka Hortagaaya In Carruurtu Ku Waxyeelawdo Gaadhiyada Kulul.

    Wiil yar oo 10 jir ah oo tuulada uu ku nool yahay ay aad ugu badatay kiisaska carruurta ku dhex dhimata gawaadhiyada kulul ee lagaga tego, ayaa murugadaas awadeed sameeyey kursi iyo qalab lagu dahaadhaayo kursiga oo sheegaaya marka ilmaha lagaga dhex

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil yar oo 10 jir ah oo tuulada uu ku nool yahay ay aad ugu badatay kiisaska carruurta ku dhex dhimata gawaadhiyada kulul ee lagaga tego, ayaa murugadaas awadeed sameeyey kursi iyo qalab lagu dahaadhaayo kursiga oo sheegaaya marka ilmaha lagaga dhex tego gaadhi kulul.


Qalabkan oo uu ku rakiban yahay cod (alert), ayaa ka dhex qaylinaaya gaadiidka, haddii waalidku kaga tagaan ubadkooda, isla markaana heer-kulka gaadhigu aad u sarreeyo. Kursigan waxa kale oo ku rakiban qalab tiknoolaji ah oo qaboojinaaya ilmaha ilaa inta laga soo gadhaayo amma laga badbaadinaayo.

Wiilkan yar oo la yidhaa Bishop Jr. ayaa aaladiisan lacag loogu ururiyey barnaamij la yidhaa GoFundMe,waxaana la doonayaa in dunida lagu faafiyo si ubadka loogu badbaadiyo.

Magaalada Texas ee dalka Maraykanka, ayaa ah goobta ay ka dhacaan kiisaska carruurta ku dhex dhimata baabuurta kulul, haddii qalabkan lagu guulaystana waxa ay noqon doonta goobta ugu badan ee tirada ugu badan ee qalabkan loo iibgeeyo, halka waalidka wiilkan yar ay sheegeen in wiilkoodu wax badan hindisi karo. Sidaa darteed, waxa ay u ururiyeen $15 kun dollar oo ka mid ah $20 kun oo dollar oo ay ku hamiyayaan in ay u helaan wiikooda.