"Saldhig Milatari Waa Ka Weyn Yahay Wax Lagu Bixiyo Lix Qodob Oo Gacan Ku Rimis Ah" Gudoomiyaha Wadani Ee Dalka Sudaan.

0
Monday March 20, 2017 - 12:31:00 in by salman abdi
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Saldhig Milatari Waa Ka Weyn Yahay Wax Lagu Bixiyo Lix Qodob Oo Gacan Ku Rimis Ah" Gudoomiyaha Wadani Ee Dalka Sudaan.

    :Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Dalka Sudaan Abdiraxmaan Jamac Salebaan Ayaa Si Adag Uga Hadlay Heshiiska Dawlada Somaliland Iyo Imaraadka Ay Maalintii Shalay Qalinka Ku Wada Duugeen Ee Ku Aadan Saldhiga Milatari Ee Magalada Berbera Ay Ku Yeelanayso D

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

:Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Dalka Sudaan Abdiraxmaan Jamac Salebaan Ayaa Si Adag Uga Hadlay Heshiiska Dawlada Somaliland Iyo Imaraadka Ay Maalintii Shalay Qalinka Ku Wada Duugeen Ee Ku Aadan Saldhiga Milatari Ee Magalada Berbera Ay Ku Yeelanayso Dalka Imaraadku.


Gudoomiyaha Oo Lasoo Xidhiidhay Shabakada Wararka Ee Hadhwanaagnews Ayaa Waxa Uu Ku Tilmaamay Heshiiska Inaanu Ahayn Heshiis U Cuntamaya Shacabka Somaliland Ee U Yahay Mid La Donaayay Xaququl Qalinka Oo Kaliya .


Waxana U Hadalkiisa Ku Bilaabay Gudomiyuhu” Qodobada Ay Xukuumadu Soo Bandhigtay Ee Ay Leedahay Waa Heshiiskii Aanu La Saxeexanay Dawlada Imaaradka Si Ay Barbara Uga Samaystaan Saldhig Milatari Waa Kaaf Iyo Kala Dheeri Waxaana Ka Muuqata In Heshiiskaa Lagalay Iyada Oo Aan La Qiimaynin Waxa Danta U Ah Dalka Balse Muhimada Kowaad Ay Tahaya Xaqul Qalinka Gacanta Ugalaaya Kooxda Ku Mamtay Musuqa Iyo Boobka Hantida Ummuda Mana Noqon Karaan Waxa Ay Shacabka Somaliland Ku Qancaan Oo Tusinaaya Dheefta Ugu Jirta In Barbara Saldhig Milatari Uu Ka Samaysto Imaaraadku Waxaan Leeyahay Wali Shacabka Somaliland Uu Idinka Sugayaa Heshiis Sax Ah Oo U Cadeeya Dheefta Ugu Jirta Saldhiga Milatari Waxan Aad Soo Qorqorateena Maaha Wax Idinka Soconaaya "Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Dalka Sudaan


Gudoomiyaha Oo Hadalkiisa Si Wata Ayaa Waxa U Yidhi”

Marka Laga Imaado Labad Qodob Ee Sheegaya In Madaar Cusub Uu Dhiso Imaaraadku Iyo In Wadada Isku Xidhi Barbara Iyo Togwajaale La Hirgaliyo Oo Waliba Dhismaha Wadadaasina Ay Qeyb Ka Ahayd Heshiiskii Dp World Lala Galay Waxa Kale Waa Hadal Iska Caadi Ah Oo Aan Heshiis Lagu Tilmaami Karin

Kumana Cada Heshiiska Xadiga Lacageed Ee Ay Bixin Doonaan Sannadkii Iyo Guud Ahaan Lacagta Lagaga Kireeyay Saldhiga.”Ayuu Ku Soo Afmeeray Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Dalka Sudaan Abdiraxmaan Jamac.