Fashil Dul Hoganayaa Waftigii Heshiiska Saldhiga Soo Sexeexay Iyo Qodabo Hore Dp Wold Lagala Heshiyay Oo Ku Jiray

0
Monday March 20, 2017 - 12:31:43 in by salman abdi
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fashil Dul Hoganayaa Waftigii Heshiiska Saldhiga Soo Sexeexay Iyo Qodabo Hore Dp Wold Lagala Heshiyay Oo Ku Jiray

    Heshiiska Dawlada Somaliland La Sexeextay Dalka Imaraadka Carabta,Ee Ku Saabsan Saldhigga Milatari Ee Laga Siyay Madaarka Magalada Berbera Ee Dalka Somaliland,Ayaa U Muuqata Mid Aan,Faa,Ido Badan Ugu Jirin Marka Loo Eego ,Lixda Qodab Ee Somaliland Iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiiska Dawlada Somaliland La Sexeextay Dalka Imaraadka Carabta,Ee Ku Saabsan Saldhigga Milatari Ee Laga Siyay Madaarka Magalada Berbera Ee Dalka Somaliland,Ayaa U Muuqata Mid Aan,Faa,Ido Badan Ugu Jirin Marka Loo Eego ,Lixda Qodab Ee Somaliland Iyo Imaraadku Ku Heshiyeen.


Heeshiiskani Ay Shaaciyeen Waftiga Somaliland U Tagay Soo Gunaanadka Heeshiiskan Ayaa Ku Fashilmay Ka Dib, Markii Kaligood Ay Soo Horfadhisteen Warbaahinta Qaranka Somaliland, Kuwaasi Oo La Shir Imid Lix Qodab Oo Ay Ka Mid Yihiin Qodaba Ay Hore Ula Heshiyeen Somaliland Shirkada Dp Wold Ee Lagu Wareejiyay Dekeda Berbera ,Taasi Oo Ay Ka Mid Ahayd In Wadada Isku Xiidha Berbera Iyo Wajaale Dayactir Ku Samaynayaan ,Halka Imaraadkuna Sidaasi Kule Heshiyay Somaliland.

Bulshada Somaliland Ayaa Aragtiyo Kale Duwan Ka Qaba Heshiiska Lixda Qodab Ee Ay Shalay Ku Dhawaqeen, Waftiga Somaliland U Matalaayay Soo Gunanadka Heshiiska Saldhiga Milatari,Oo Muqata Mid Ay Ka Muquurteen Madaxda Wadanka Imaraadka Carabta,Taasi Oo Baraha Bulshada Ku Kulanto Ay Ku Cabiraayay Dareenkooda Ku Aadan Heshiiskaasi Inaanu Faa,Ido Badan U Lahay Somaliland .


Waftiga U Hogaaminayo Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Ee Ku Sugan Dalka Imaraadka Ayaa Soo Bandhigin Sawiro Ka Turjamaya,Heshiiska Ay Wada Sexeexdeen Labada Dhinac ,Lakiinse Ay U Muuqata Uun In Somaliland Kaligeed Ay Qabatay Shirjara’iid Ay Ku Shacinayeen Lix Qodob Oo Ay Ku Heshiyeen Labada Dawladood Ee Somaliland Iyo Imaaradka.

Intii Uu Soo Ifbaxay Heshiiska La Sheegay In Maalintii Shalay Ay Wada Gadheen Somaliland Iyo Wadanka Imaraadka Oo Ku Koobnaa Lix Qodab Oo Aan Faa,Ido Badan U Layahayn Somaliland Ayaa Mar Warbaahintu Wax Ka Waydiisay Masuuliyintii Heshiiskaasi Seexeexay Ayaa Ku Haftay Su,Aalo Ku Saabsan Fa,Idada Ku Jira Heshiiskani ,Ayaa Ku Dooday Inay Somaliland Ugu Jirto Dano Badan Somaliland.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire Ayaa Hore U Sheegay In Anay Barlamaanka Somaliland Hore U Sexeexin Heshiis Rasmiya Ee Ay Hore U Saxeexeen Heshiis Hordhac Ah Taaso Oo Bulshadu Iswaydiinayso Mar Labaad Mala Horkeeni Doona Heshiiskan La Wada Sexeexday Golaha Barlamaanka.