Musharaxa Xisbiga Waddani oo la-Kulmay qaar kamid ah Haldoorka iyo Wax-garadka Jaaliyadda Bariga Burco ee ku dhaqan Bariga London.

0
Tuesday March 21, 2017 - 20:00:49 in by salman abdi
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxa Xisbiga Waddani oo la-Kulmay qaar kamid ah Haldoorka iyo Wax-garadka Jaaliyadda Bariga Burco ee ku dhaqan Bariga London.

    London(AFKA);Kulankaas waxa ku wehelinaayay Cabdiraxmaan Cirro, madaxda Xisbiga WADDANI oo ay ka mid yihiin, Guddoomiye Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(AFKA);Kulankaas waxa ku wehelinaayay Cabdiraxmaan Cirro, madaxda Xisbiga WADDANI oo ay ka mid yihiin, Guddoomiye Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde,

Musharaxa Xisbiga Waddani oo la-Kulmay qaar kamid ah Haldoorka iyo Wax-garadka Jaaliyadda Bariga Burco ee ku dhaqan Bariga London.

Kulankaas waxa ku wehelinaayay Cabdiraxmaan Cirro, madaxda Xisbiga WADDANI oo ay ka mid yihiin, Guddoomiye Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde, Hoggaamiyaha WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan, Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Aadan Cilmi Dhoolayare, iyo kaaliyihiisa gaarka ah ee War-baahinta Murashaxa WADDANI Muniir Axmed Cigaal.

Kulankaas oo wakhti dheer socday waxay labada dhinac isku waydaar sadeen waxyaabaha muhiimka u ah tageerada jaaliyada degaankaasi dibad iyo gudo inay u muujiso Xisbiga WADDANI,iyada oo kulankaasi ka dhacay Bariga Maagalada London oo ah meelaha ay ku Xooganyihiin Bulshada Somaliland.

Waxaanu ku dhammaaday is afgarad iyadoo siweyn uu kulankaas uga hadlay Murashaxa xisbiga WADDANI Mud. Cabdiraxmaan


Cirro in aan Xisbiga WADDANI la kala lahayn dhammaan degaanada Somaliland-na Xisbigu u simanyihiin.

 

Xubnaha Waftiga Xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminaayo Guddoomiye Cirro, ayaa kulamo kale oo dheeri ah waxay maal mihii u danbeeyay la yeelanayaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska.

Hadhwanaagnews London.