Dawladda Ingiriiska oo si Adag u Soo Bandhigtay Quusta ay ka Taagan Tahay Dib u Dhaca Ragaadiyay Dimuqraadiyadii Somaliland -

0
Wednesday March 22, 2017 - 08:11:07 in by salman abdi
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Ingiriiska oo si Adag u Soo Bandhigtay Quusta ay ka Taagan Tahay Dib u Dhaca Ragaadiyay Dimuqraadiyadii Somaliland -

    Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Ingiriiska, ayaa Salaasadii maanta sheegay inaan Somaliland lagu casuumi doonin shirka qaadhaan-bixiyeyaasha ee dalkiisu martigelinayo bisha May ee fooda innagu soo haysa ee loo qabanayo Soomaaliya, doorashooyinka S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Ingiriiska, ayaa Salaasadii maanta sheegay inaan Somaliland lagu casuumi doonin shirka qaadhaan-bixiyeyaasha ee dalkiisu martigelinayo bisha May ee fooda innagu soo haysa ee loo qabanayo Soomaaliya, doorashooyinka Somaliland ee dib u dhacay dartood.



"Waxa jirtay fursad dawladda cusubi ay ku iman lahayd shirka haddii doorashooyinku dhici lahaayeen bishan March sidii hore loogu balamay,”sidaas waxa saxaafadda maanta Hargeysa ugu sheegay ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya,Andrew Allen.


safiirku waxa kale oo uu intaas ku daray; "Laakiin doorashooyinkii dib ayaa loo dhigay dhowr jeer, mana qabsoomayso illaa Bisha November. Sidaas darteed, kuma casuumi karno dawladda hada jirta. Waxaanu doonaynay inaanu la shaqeyno dawladda cusub, sababtoo ah shirku wuxuu ugu yaboohayaa kaalmada la siinayo afarta sanno ee soo socda.”

 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Cabdiqaadir Askar oo ah madaxa warbaahinta xafiiska ASI waxa lagu yidhi; "Doorashooyinka Somaliland waxay ahayd in la qabto Bisha March ee sannadkan, laakiin dib ayaa loo dhigay. Dawladdu waxay sheegtay in abaarta ba’ani ay barokicisay dad badan oo aanu suurtogal ahayn inay doorashooyinku u qabsoomaan si caadi ah, maadaama oo codbixiyeyaal badani ay ka tageen guryahoodii.”

danjire Allen, waxa uu sheegay inuu la socdo tabaalada abaartu dhalisay, hase yeeshee dib u-dhacani yahay kii u dambeeyay dib dhacyadii xidhiidh ahaa oo ay ku jirtay doorashadda Baarlamaanka oo kuraasida ku fadhiyay in ka badan toban sanno oo hadda aanay muuqan xilliga dib loo soo dooranayo gole cusub illaa 2019-ka.


Ku-xigeenka safiirka Ingiriisku waxa uu tilmaamay walaaca dawladiisu ka qabto xadhiga suxufiyiinta, xoriyatul qowlka iyo xoriyada baarlamaanka.

xarunta xuquuqul insaanka ee madaxa bannaani, waxay sheegtay in la xidhay 26 suxufi sannadkii 2016-kii, inkastoo ay hoos u dhacday marka la eego tiradii sanadyadii hore, haddana waxa jira inay jirto walwalkii xadhigu.

Andrew Allen, waxa uu sheegay in Britain walaac ka qabto hufnaanta dawladda Somaliland ee ku wajahan go’aamada waaweyn ee ay qaadatay oo ay ka mid yihiin heshiiskii toddobaadkan ay gashay ee dawladda imaaraadka carabtu saldhigga Millatari kaga samaysanayso magaalo xeebeeda Berbera oo ay dawladda Somaliland waxyar uun ka sheegtay tafaasiisha heshiiskaas.

"Dad yar ayaa ka masuul ah dib u dhaca doorashooyinka, sidaasi oo kale dad faro ku tiris ah, ayaa ka masuul ah heshiiska ay la gashay dawladda Imaaraadka carabta (UAE). Dadka Somaliland waxay doonayaan macluumaad dheeraad inay ka helaan saldhigan. Maxay yihiin faa’iidooyinkiisa? iyo halistiisaba?,”ayuu yidhi ku-xigeenka safiirka Ingiriisku.Ugu dambayn wuxuu sheegay in Britain ay ugu balan qaaday in lagula tacaalo abaarta ka jirta geeska Afrika 110 oo giniga Ingiriiska ah.