Madaxweynaha Somaliya Oo Ka Hadlay Mudada Uu Raysal Wasaarihiisu Ku Soo Magacaabay Xubnaha Golaha Wasiirada.

0
Wednesday March 22, 2017 - 17:53:49 in by salman abdi
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliya Oo Ka Hadlay Mudada Uu Raysal Wasaarihiisu Ku Soo Magacaabay Xubnaha Golaha Wasiirada.

    Muqdisho(AFKA);Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa raysal wasaarihiisa ku bogaadiyey wakhtiga uu ku soo magacaabay xubnaha golaha wasiirada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA);Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa raysal wasaarihiisa ku bogaadiyey wakhtiga uu ku soo magacaabay xubnaha golaha wasiirada.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wakhtigii uu magacaabayey raysal wasaarihiisa uu siiyey wakhti ka kooban 15 cisho inuu ku soo dhiso xukuumada waxaanu yidhi "Wakhtigii aan magacaabay raysal wasaaraha waxaan u soo jeediyey in mudo 15 cisho ah uu ku soo dhiso golaha wasiirada ee xukuumada, mudadii aan u qabtay waxay dhaaftay 6 cisho oo kaliya taas oo noqonaysa wakhti aad u kooban marka la eego mudada uu sharcigu u ogol yahay kaas oo ah 30 cisho.”


Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay xubnaha cusub ee raysal wasaarihiisu u magacaabay golaha wasiirada waxaanu yidhi "Waxaan u arkaa golahan wasiirada ee raysal wasaaruhu soo magacaabay qaar ka bixi ka3ra hawsha loo igmaday, wasiirada cusubna qaar waan aqaanaa waanan ku kalsoonahay.”

 

Sidoo kale madaxweynaha somaliya ayaa baarlamaanka u soo jeediyey inay si dhakhso ah u ansixiyaan golaha wasiirada ee xukuumada raysal wasaare Xasan Cali Khayre, waxaanu tilmaamay in wasiirada looga fadhiyo inay si deg deg ah u galaan hawlaha loo igmaday.