Weerar hubaysan oo ka dhacay Xarunta Barlamanka UK iyo Askari Boolis Ah Oo Lagu Dhex Tooriyeeyay

0
Thursday March 23, 2017 - 08:11:14 in by Super Admin
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar hubaysan oo ka dhacay Xarunta Barlamanka UK iyo Askari Boolis Ah Oo Lagu Dhex Tooriyeeyay

    Askari booliis ah ayaa lagu tooriyeeyay dhismaha baarlamaanka ee magaalada London. Qofkii weerarkaas lagu eedeeyay waxaa toogtay booliis hubaysan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari booliis ah ayaa lagu tooriyeeyay dhismaha baarlamaanka ee magaalada London. Qofkii weerarkaas lagu eedeeyay waxaa toogtay booliis hubaysan.


Wararka qaarna waxay sheegayaan in gaari si ula kac ah loo jiirsiiyay ugu yaraan afar ruux oo marayay buundada Westminster.

Gawaarida gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay.

Ra’iisalwasaaraha Britain Theresa May, ayaa loo sii qaaday goob ammaan ah markii rasaasta la maqlay.

Ilo ayaa BBC-da u sheegay in aysan dhacdadan la xiriirin iyada. Kulankii baarlamaankanana ayaa la hakiyay.

Waxaa jira warar sheegaya in rasaas laga maqlay dibedda baarlamaanka UK. Wararka ayaa sheegaya in dhismaha baarlamaanka ee Westminster gebi ahanatiisba la xiray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawcmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xiro boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster