Su'aal Baa ka Taagan Sonyo?

0
Saturday February 22, 2014 - 00:39:21 in by London Office
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Su'aal Baa ka Taagan Sonyo?

    Su'aal Baa ka Taagan Sonyo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Su'aal Baa ka Taagan Sonyo?
Maanta waa maalintii loo asteeyey maalinta dhalinyarada Somaliland (Somaliland National youth day) Waxay ku beegan tahay 20 february 1982-kii, waa maalintii dhalintii Somaliland ee magaallada Hargeysa ku dhaqneyd dhagax isla hortaageen taliskii macangaga ahaa, waa maalintii halgankii dhagaxtuurku ka bilaabay Hargeysa, waa maalintii nafta loo hurray dhimasho iyo dhaawac, waa maalintii la muujiyey in Kaare dhagax laysla hortaagi karo, waa maalintii la muujiyey in mabda'u ka xoog badan yahay hubkasta oo cidi haysto, waa maalintii dhalinyardu ku dhiiratey ee dhabada u xaadhay in ay dhulkooda dhiig u shubaan, waa maalintii middaysey mowqifkii dadka reer Somaliland kadib markay rumaysteen dhaqankii taliskii daaquudka ahaa ee dulmiga iyo duudsiga ku dhisnaa, waa maalintii Hadraawi lahaa;


Hambaaber dhowaanta

Dareen ma hurdaana

Dagaal wata heeso

Hidday u lahayde

Hargeysi ma toostay

Hoggaanka ma diiddey

Harqoodka ma tuurtay

Inaanay hummaagga

Hadoodilan yeelin

Sidii hebed geel ah

Heshii Nebi Saalax

Horaaddada dhiiban

Hankeedu ma siiyey

Waxay hibanayso

Ninkay la hadlayso

Hagaag ma u sheegtay

Hadday sama weydo

Inay hantideeda

Nafteeda hurayso

Hubaal ma caddaysay

Allaylehe waa hog

Shax aan la hilmaamin.



Waa maalintii uu lahaa Abwaan Mujaahid Adaan Tarabi Jamac ( Tuug Tarabi)


Dhamme Abuhadrow

Ma og tahay dhulkii

waxa shalay ka dhacay?


Maalintii dhowayd

Dhadigii jahaad

Dhaba bay galeen

Carruurtuna dhadhaab

Dhulka tiilay bay dhirta

Ula baxeen

Dhanna haddalo culus

oo dhaxal galaa dharka

ugu qornaa


Dhayal u seexan mayno

Dheregna dooni mayno

Ninna ka dhowrsan mayno

Haddaanay Beder ka dheeraan

Waa haddaad dhalasho waydeen

Dhaayaha yagoow


Dhimashada xaqii

Waa dhaqan wadani...



32 Sano kadib maanta waa 20-kii february 2014, dhalinyarada Somaliland waxay ku damaashaadaysaa ku dabaal degaysaa ku daansha-daanshoonaysaa deeqdii dhiiga ahayd ee ay u bixiyeen Danabyadii iyo Diricyadii maalintaas dabka isugu shubay. Dhalinyarada Somaliland maanta xorriyada ay haysataan waa xinjir dhiigga oo laga dhuray halbowle geesi laguna beeray Somaliland, waa xorriyad xabad lagu keenay, waa xorriyad Xaawaleey u goblantay ganbo cadna u qaaday, waa xorriyad xaasidiin badan leh oo u baahan in sidda xabagta laysugu dhegannaado lagana dhowro xurgufta iyo xajiinta.



Haddaba waxaa innagu waajib ah in aynu dhowrno dhitadeena iyo dhaxalkeena oo ah Somaliland, in aan u ilaalino sidda ubadka loo ilaaliyo, waa in aynu isku duubnida iyo isku soohida shacabka Somaliland si gaara u xaqdhowraa, waa in aynu iska jiraa danaysteyaasha dareenkoodu yahay dalqo iyo dufan, waa in Dhalinyada Somlailand la timaadaa arragti cusub oo ka qotodheer qabiilaysi iyo reerraysi.


Uggu danbeyn Shacabka Somaliland gaar ahaanna dhalinyarada Somaliland waxaan waydiinayaa dhowrkan Su'aalood?


1- Ururka SONYO oo yidhi waxaanu nahay Somaliland National youth horta magacaas mow qalmaa?

2- SONYO Dhalinta Somaliland ee kala joogta Badhan illaa Boorame Buuhoodle illaa Boon Sool illaa Saylac Balidhiig illaa Berbera maku middaysan yihiin ururka SONYO?

3- Hogaanka ururku ma yahay mid loo simman yahay oo uu gudoomiye ka noqon karo muwaadin u dhashay u Somaliland oo ka soo jeeda, Laacaanood, Laasciidle, Lowyacado ?




Ali Kayse Kabadhe

Amsterdam/Netherlands

calikayse@live.com