Booliska Dalka Uganda Oo Toogtay Gabadh Yar Oo Sadex Sano Jir Ah

0
Friday March 24, 2017 - 00:25:04 in by
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Dalka Uganda Oo Toogtay Gabadh Yar Oo Sadex Sano Jir Ah

    Booliska dalka Uganda ayaa baadigoobaya afar ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran kuwaasoo lagu eedeeyay in ay toogasho ku dileen gabar saddex sano jir ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska dalka Uganda ayaa baadigoobaya afar ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran kuwaasoo lagu eedeeyay in ay toogasho ku dileen gabar saddex sano jir ah.
Waxa lagu eedeynayaa inay sidoo kale dhaawaceen gabadha hooyadeed iyo nin kale. arrintani ayaa ka dhacday tuulo ku taalla gobolka Mityana ee bartamaha dalka Uganda Isniintii.

Afartaasi askeri wakhtigaa iyada ah rasmiyan shaqo kuma aanay jirin, mana cadda sababta ka dambaysay toogashadaasi.

Booliska ayaa dhacdadani ku tilmaamay mid si aad looga xumaado, waxayna sheegeen inay bixin doonaan kharashaadka ku baxaya dawada dadka dhaawaca ah.

Raggaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay


baxsadeen, booliskuna waxay wacad ku mareen in raggaasi gacanta lagu soo dhigi doon.

 

 

 

Source:BBCsomali