Hal Abuur Maxamed Mahad Muxumed Oo Maansadii Ugu Horaysay Ku Soo Galay Silsilada Miimlay Iyo Dulucdeeda

0
Friday March 24, 2017 - 16:18:56 in by salman abdi
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal Abuur Maxamed Mahad Muxumed Oo Maansadii Ugu Horaysay Ku Soo Galay Silsilada Miimlay Iyo Dulucdeeda

    Waan uga guurayaa godka maansada miimley waayo waxay maraysaa halkii rabi ha u naxariistee Cabdi Iidaan ka yidhi-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waan uga guurayaa godka maansada miimley waayo waxay maraysaa halkii rabi ha u naxariistee Cabdi Iidaan ka yidhi-


Markii midho yarii wada shukh yidhi shidantay deeleeye

Shaxdii baan hayaanka u raray iyo shaambis geediga'e

Bal hadaba anigana i eeg halkaan la maro aragtidayda iyo godkaan geediga ku furo.

Bilaw.

*Gocor iyo markii gulaanadu wada gabyeen gubatay miimley'e

*Afaray guraangura goortay gashaan maandhow gaasiraye

*Geeraarka iyo gudbantii ku furay xodayo guudkoode

*Gamaarayda iyo way kala gurtaan abwaan gaamuroo tegaye

*Gomboshaaga maansada waa taan ka guray Ga iyo wow-geede

*Gelbiskeeda maansada marbaan cidi igu gaadhayne

*Goortaan gufaacada kacshee galawgu goobyaalo

*Galaydh iyo Abdilaahi Ganey wow gudboonahaye

*Murti gaaxsanayd iyo haduu godolkii muuqdaaye

 

*Gujo-beeno kuwa la goobyaalayoo gaagaxshaa badane

*Kuwii gabayga gawl-gawli jiray gorofka ha u dhiibin

*Afartaa intaan Ga'da ka deyay garasho ma u baanay

*Ma u goleeyay maansada bayd-gaabku waa iska gaatifiye

*Gartan uu mudaacalay iyo muduci rag isku maan-dhaafay

*Gorfaynteeda xaajadan la wada goobayee goroda la is dhaafshey

*Gondaha iyo faaladan darteed laga gabyee gomada la is ruugay

*Garbadhka iyo jaariga gunuuska gooha dami waayay

*Gartu midbay gaar u noqon lahayd labada geesoode

*Gadh-cadaadi bay wayday iyo guurti loo madhaye

*Gacmo-daaliska ayay eeday iyo googaa maansaduye

*Gabanada jiilaal dadkoo wada gab yidhi gaajo ledi waayay

*Gurboodkiyo dhalaankii goblamay guunyadadii hoyatay

*Goosankaa ka soo hadhay hadaan geedo lala gaadhin

*Gocashada xanuunka leh nin ragi wuu raran gobyaade

*Afartaa intaan Ga'da ka deyay garasho ma u baanay

*Ma u goleeyay maansada bayd-gaabku waa iska gaatifiye

*Gabaahiirta waa laga gudbaa guri-caskaad taale

*Gurgurshaagii lagu gaadhi laa gegada loo guurey

*Garaadka iyo haduu kaa galbado geesi lala hiisho

*Gadh-wadeenkii la gaboodsan jiray garo halkuu joogo

*Gibisha iyo heeryada haduu gawska ku idleeyo

*Guudka waxaad ka saartiyo markaan guradii loo giijin

*Garba beelku waa u halis gedii laguma guuraane

*Good iyo abees guun ah baa dhex galay maandhow gogoshiiye

*Gofaniyo gabaaray lala ma dego god ay ku noolyiine

*Gama'a iyo raaxada naftii gubatay goolmoone

*Kuwa dayaxa guudkiisa degay waan gudboonahaye

*Guhaan uma garabsan geedigaa faal ku gaamuraye

*Afartaa intaan Ga'da ka deyay garasho ma u baanay

*Ma u goleeyay maansada bayd-gaabku waa iska gaatifiye

*geediga ninkii gaadhsiin lahaa garo halkuu joogo

*Baar-qabkaan geela u xulee waayo daba guuxay

*Ma garaaco doobtiyo guhaad micidii geylayde

*Goortuu gaanihii ka baxay car garo waa kan geesmaraye

*Guyaal iyo guyaal somalidan caqliga garashadii liiday

*Ganaax baa malaha lagu giijiyee waanay garanayne

*Goobtii nabsiga laga soo guntaday garo wixii gooyey

*Galabtii timaadaba wakhtigu wuu is gurayaaye

*Gadaal hore midkee loo socdaa waanay garanayne

*Godkii laga qaniinay gashaa goor iyo ayaane

*Afartaa intaan Ga'da ka deyay garasho ma u baanay

*Ma u goleeyay maansada bayd-gaabku waa iska gaatifiye

 

Aragtidii. Mohamed Mahad Muhumed Good