Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Ruushka Alexei Navalny Oo La Xukumay.

0
Tuesday March 28, 2017 - 11:50:33 in
  • Visits: 435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Ruushka Alexei Navalny Oo La Xukumay.

    Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Ruushka Alexei Navalny Oo La Xukumay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Ruushka Alexei Navalny Oo La Xukumay.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Ruushka Alexei Navalny Oo La Xukumay.

 

 

Hogaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa maxkamad ku taal magaalada Moscow waxa ay ku xukuntay 15 maalmood oo xabsi ah, oo ah amar uu ka diiday ciidamada Booliska xilli ay mucaaradku banaanbaxyoka dhigayeen shalay dalka Ruushka.


Alexei Navalny ayaa ka mid ah boqolaal ruux oo xabsiyada loo taxaabay shalay kuwaasoo dibadbaxyo sharci darro ay ku tilmaantay xukuumada Moscow ka dhigay magaalooyin badan oo dalka Ruushka ah.

Maxkamada ayaa markii hore ku ridey hogaamiyaha mucaaradka ganaax lacageed oo gaaraya20,000 roubles ($350) oo ah abaabulida banaanbax aan sharci ahayn.

Hase yeeshee qareen u doodeysay hogaamiyaha mucaaradka ayaa sheegtay in ay fileysay xukunkan balse ay racfaan ka qaadan doonaan.

Kumanaan ruux ayaa banaanbaxyo ka dhigay illaa 99 magaalo oo ka mid ah dalka Ruushka iyadoo banaanbaxyadaasna ay ahaayeen kuwo loogaga soo horjeeday ra’iisal wasaaraha Ruushka oo ay mucaaradku ku tilmaameen tuug lunsaday hantida shacabka.