Jaaliyada Degaanada Togdheer, Caynaba, Saaxil Iyo Sanaag Oo Soo Dhawayn Qiimaheedu Sareeyo Dalka Sweden Ugu Sameeyay Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI & Kaaliyaha War-baahinta

0
Monday April 03, 2017 - 17:53:05 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyada Degaanada Togdheer, Caynaba, Saaxil Iyo Sanaag Oo Soo Dhawayn Qiimaheedu Sareeyo Dalka Sweden Ugu Sameeyay Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI & Kaaliyaha War-baahinta

    Jaaliyada Degaanada Togdheer, Caynaba, Saaxil Iyo Sanaag Oo Soo Dhawayn Qiimaheedu Sareeyo Dalka Sweden Ugu Sameeyay Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI & Kaaliyaha War-baahinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaaliyada Degaanada Togdheer, Caynaba, Saaxil Iyo Sanaag Oo Soo Dhawayn Qiimaheedu Sareeyo Dalka Sweden Ugu Sameeyay Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI & Kaaliyaha War-baahinta

Jaaliyada Degaanada Bariga Burco, Bariga Saaxil, Sanaag iyo Caynaba ee ku dhaqan Dalka Sweden ayaa siweyn u soo dhaweeyay hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan iyo kaaliyaha War-baahinta Murashaxa WADDANI Muniir Axmed Cigaal.

234567891112131415161718192122232425

Kulan ballaadhan oo lagu qabtay Hoteelka Caanka ah ee Scandic Hotel kuna yaala Caasimadda Stokhlom waxa ka soo qayb galay odayaasha, dhalinyaradda, haweenka iyo haldoorka Jaaliyada.

Ugu horreyn waxa kulankaas hadalo furitaan iyo soo dhaweyn ah ka jeediyay Guddoomiyaha Beelaha Habarjeclo, isagoo sheegay inay si niyad samaan ah u soo dhaweynayaan Siyaasiga hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Muniir Axmed Cigaal oo wehelinayaay.

Sidoo kale kaaliyaha War baahinta Murashaxa Xisbiga WADDANI Muniir Axmed Cigaal ayaa isna hadalo mahadnaq ah ka jeediyay kulankii marti qaadka aha.

262728293132333435363738

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa intaas kadib khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, uuna kaga waramaayo xaalada dalkii ee abaaruhu ugu danbeeeyeen, siyaasadda iyo hanaanka xulushada cidii hoggaamin lahayd Somaliland iyo doorkii Xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo tariikhdii la soo dhaafay wuxuu u jeediyay Xubnihii tirada badnaa ee soo dhaweynta loo sameeyay soo qaban qaabiyay.

Dhammaadkii kulankaas ayay qaar kamid ah dadweynihii ku sugnaa goobtu waxay su aalo waydiiyeen Xirsi Cali Xaji Xasan kuwaas oo uu dhammaantood si hufan uga jawaabay.

Kualnkan ayaa aha mid qiimo gaar ah leh marka la eego sida loo soo qaban qaabiyay iyo niyad samaanta ka muuqatay dadkii Jaaliyada Beesha Bariga Burco ee soo qaban qaabiyay soona dhaweeyay Hoggaamiyaha WADDANI iyo xubanah la socday, intaad kadib waxay xubnihii munaasiabda Soo Agaasimay qaar kamid ahi Salaan ugu tageen Murashaxa XISBIGA WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cali Aw Cabdi .