Tansaaniya oo ciidan u diraysa Koonfurta Suudaan

0
Saturday February 22, 2014 - 08:21:54 in by London Office
  • Visits: 1119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tansaaniya oo ciidan u diraysa Koonfurta Suudaan

    Tansaaniya ayaa ciidan u diraysa Koonfurta Suudaan iyaga oo qayb ka ah ergada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Bernard Membe ayaa Khamiistii (February 20-keedii) sheegay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tansaaniya ayaa ciidan u diraysa Koonfurta Suudaan iyaga oo qayb ka ah ergada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Bernard Membe ayaa Khamiistii (February 20-keedii) sheegay.


Isaga oo wariyayaasha kula hadalaya magaalada Dar es Salaam, ayuu Membe sheegay in hal cutub loo dirayo magaalada Jubba, Caasimada Koonfurta Suudaan, dhammaadka bisha April, The Citizen-ka Tansaaniya ayaa sidaas sheegay. Wuxuu sheegay in go'aanka ah in ciidamo la diro ay jawaab u ahayd codsi ka yimid Qaramada Midoobay.

"Waddankaanaga waxaa ka go'an in uu nabad iyo wada noolaansho ku soo dabaalo qaaradda iyo meelo ka baxsanba, sidaas darteed waxaan ku faraxsanahay in aan hal cutub dirno si aan nabadda u soo celino iyada oo ay tahay codsi nooga yimid Qaramada Midoobay," Membe ayaa sidaas sheegay.

Membe ayaa codsi u soo jeediyay dhinacyada ku dagaalamaya Koonfurta Suudan in ay ka shaqeeyaan sidii ay uga wada hadli lahaayeen in ay si nabad ah ku dhameeyaan khilaafka, Daily News-ka Tansaaniya ayaa sidaas sheegay.

Isku dubbaridida ciidamadan ayaa waxay calaamad dheeraad ah u tahay dadaallada nabad ilaalinta ee Tansaaniya, markii lagu daro ciidamadeeda hadda ka jooga Daarfuur,Jamhuuriyada Dimuquraadiga ee Kongoiyo  Lubnaan.

 

Afkashacabka.com

TANSANIA/Office