Tirada dadka dilka lagu fuliyo ee adduunka oo hoos u dhacday

0 in by Burco Office
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada dadka dilka lagu fuliyo ee adduunka oo hoos u dhacday

    Tirada dadka dilka lagu fuliyo ee adduunka oo hoos u dhacday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada dadka dilka lagu fuliyo ee adduunka oo hoos u dhacday
Tirada dadka dilka lagu fuliyay ee adduunka oo dhan laga diiwaangaliyay sanadkii 2016kii ayaa 37% ka hoosaysa sanadkii ka sii horeeyay, sida ay sheegtay hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International.
Ugu yaraan 1,032 ruux oo dil lagu fuliyay ayaa laga diiwaangaliyay adduunka oo dhan tiraad ayaana hoos uga soo dhac middii sanadkii ka sii horeeyay ee 2015kii oo ahayd 1,634, sida ay Amnest sheegtay.
Hoos u dhacan ayaa ka dhashay xukunno dil ah oo tiro yar oo laga diiwaan galiyay Iiraan iyo Pakistan.
Shiinaha ayaa la rumaysan yahay in uu dil ku filiyay tiro ka badan midka dalalka adduunka oo dhan oo la isku daray ay gaysteen, laakiin tirada ayaan la shaacinin maadaama aan cadaymo ku filin loo helin kiisaska la soo gudbiyay qaar, sida ay hay'addu sheegtay.
Maraykan ayaa markii koobaad ka baxay shanta kaalmood ee ugu horaysa tan iyo sandkii 2006 sida ay Amnesty sheegtay.
Maxkamad caddaysay in uu xaqdarro ahaa xukun dil ah oo la fuliyay 21 sano ka hor
Dil sugayaal dil ka cabanaya
Sacuudiga oo ku xukumay dil 15 Shiica ah
Nin Soomaali ah oo loo xiray dil ka dib weerar ka dhacay bartamaha London
Iran oo dil ku fulisay 20 qof oo argagixiso lagu eedeeyay
Inkastoo dad inti hore ka yar lagu daldalay Iiraan iyo Pakistan haddana walau waxay ku jiraan shanta kaalmood ee ugu horeeya, waxaana ku weheliya Shiinaha, Sacuudi Carabiya iyo Ciraaq.
Dilka Pakistan laga diiwaangaliyay sanadkii 2015kii ayaa ahaa 326 halka uu sanadkii ku xigay hoos ugu soo dhacday ugu yaraan 87.
Shaxdan hoos ka muuqata waxay muujinaysaa sida ay dalalka caalamku ugu kala horeeyeen fulinta xukunnada dilka ah ee sanadkii 2016kii