Qaramada Midoobay Oo Malala Yusuf U Magacawday Ergay Nabadeed.

0 in by Burco Office
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Malala Yusuf U Magacawday Ergay Nabadeed.

    Qaramada Midoobay Oo Malala Yusuf U Magacawday Ergay Nabadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay Oo Malala Yusuf U Magacawday Ergay Nabadeed.

-Malala Yusuf oo horay ugu guullaysatay billada nabadda ee Nobel ayaa noqotay qofka ugu da’da yar ee noqda ergay nabadeed oo Qaramada Midoobay ka tirsan.


Gabadhan oo 19 jir ah dhigatana dugsiga sare ayaa deeq waxbarasho ka heshay mid ka mid ah jaamacadaha ugu sarreeya dalka UK.

Malala waxay shaqadeedan cusub noqonaysaa inay diirada ku saarto waxbarashada gabdhaha.

Malala Yusuf ayaa horray waxaa u dhaawacay ururka Taliban oo ka soo horjeeday ololaheeda waxbarashada gabdhaha ee ay wado.

Mar ay ka hadlaysay xafladan lagu maamuusayay ayay tiri ‘Isbadalku waa inaan inagu bilownaa, xiligan la joogana aan bilownaa’.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku tilmaamay gabadhani inay tahay muunad u taagan waxa ugu wanaagsan caalamka oo ah waxbarashada dhamaanteen

Malala Yusuf ayaa si dirqi ah ugu baxsatay hadda ka hor iskuday dil iyadoo markaasi ka timid iskuulkii ay dhiganaysay ee dalka Pakistan.

Ma caddo mida ay tahay jaamacadan hadda ugu deeqday deeqda waxbarasho. Inkastoo ay horray u sheegtay inay imtixaan shahaadada koowaad ah ay u gashay jaamacada Oxford.

Xil-maamuuskan ah inay nabad-side u noqoto Qaramada Midoobay ayaa waxaa uga horreeyey Muxumed Cali, George Clooney iyo dad kale.