Diblumaasiyiinta Mareykanka ayaa sheegay inay filayaan in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu maanta galinka dambe cod u qaado qaraar qabyo ah oo dalbanaya in Suuriya iskaashi ka sameyso baaritaan lagu sameeyo weerarkii kiimikada ee todobaadkii hore dhacay.

0
Wednesday April 12, 2017 - 21:14:48 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diblumaasiyiinta Mareykanka ayaa sheegay inay filayaan in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu maanta galinka dambe cod u qaado qaraar qabyo ah oo dalbanaya in Suuriya iskaashi ka sameyso baaritaan lagu sameeyo weerarkii kiimikada ee todobaadkii hore dhacay.

    Diblumaasiyiinta Mareykanka ayaa sheegay inay filayaan in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu maanta galinka dambe cod u qaado qaraar qabyo ah oo dalbanaya in Suuriya iskaashi ka sameyso baaritaan lagu sameeyo weerarkii kiimikada ee todobaadkii ho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diblumaasiyiinta Mareykanka ayaa sheegay inay filayaan in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu maanta galinka dambe cod u qaado qaraar qabyo ah oo dalbanaya in Suuriya iskaashi ka sameyso baaritaan lagu sameeyo weerarkii kiimikada ee todobaadkii hore dhacay.


Duqayntaas ayaa ku dishay 90 qof magaalada Khan Sheikhoun ee ay maamulaan xoogagga Falaagada.

Codqaadista golaha ammaanka ayaa imaanaysa dhamaadka safarka xoghayaha arimaha dibada Mareykankaf Rex Tillersons ee magaalada Moscow.

Ruushka ayaa sheegay qaraarkii qabyada ahaa ee todobaadkii hore uu ahaa mid aan la aqbali karin oo aan idmannayn.



The attack on Khan Sheikhoun left 89 people dead and dozens injuredLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionweerarka kiimikada waxaa ku dhintay 90 qof

Rex Tillerson wuxuu u leeyahay taariikh wanaagsan la samaynta heshiisyo aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo, laakiin taasi waxay ahayd xiligii uu ahaa madaxa shirkadda tamarta ee Exxon Mobil.

Isagoo ah diblumaasiga sare ee Mareykanka shaqadiisa ayaa u muuqata in ay mid aad u adag hadiiba aanay ahayn mid aan suurtagal.

Wuxuu doonayaa in Ruushku xaqiijiyo in Suuriya ay ka tanaasusho hubka u haray ee kiimikada ah, isla markaana in uu ku riixo in waa Ruushkee uu dib uga waabto taageerada madaxweyne Asad waada xaajoodka mustaqbalka Suuriya.

Laakiin Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin geeska ayuu galiyey baaqyadaas, wuxuuna ku eedeeyey falaagada weerarka kiimikada, wax yar ka hor intii aanu Mr Tillerson imaan Mosow.

Mr Putin wuxuu sheegay in kooxaha mucaaradka ay hadda qorshaynayaan weeraro kale oo dheeraad ah oo la mid kii hore si ay Mareykanka ugu soo jiidaan colaadda.

Isagoo ka hadlayey weeraradii lagu qaaday Suuriya ee Mareykanku fuliyey wuxuu ku tilmaanay kuwa lidi ku ah qaanuunka caalamiga ha.

Laaakiin Aqalka Cad wuxuu soo saaray warbixiin uu ku eedeynayo Ruushka in uu ka difaacayo Asad eedyamaha ah inuu adeegsaday hubka gumaadka gaysta.

Syrian military oversees damage at Shayrat

Xigasho/BBC Somali