Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Jarmalka Oo Loo Magacaabay Safiir Somaliland Ee Dalkaasi.

0
Friday April 14, 2017 - 16:39:19 in by Ayaanle Hassan
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Jarmalka Oo Loo Magacaabay Safiir Somaliland Ee Dalkaasi.

    Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa Qalinka Ku Duugay Magacaabista Xilka Safiirka Somaliland u Fadhiya Dal-weynaha Jarmalka oo Bulshada Somaliland ee Dalkaasi dagani Baahi badan U Qabeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa Qalinka Ku Duugay Magacaabista Xilka Safiirka Somaliland u Fadhiya Dal-weynaha Jarmalka oo Bulshada Somaliland ee Dalkaasi dagani Baahi badan U Qabeen.

Wasiir Sacad Markii uu la tashaday Madaxda Wasaarada Arimaha Dibada oo uu ugu horeeyo Wasiirku xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada Mudane Kayse Guray waxa ay isla qaateen in uu buuxin karo kana soo bixi karo Xilka Safiirka Somaliland ee Dal-weynaha Jarmalka Mudane Amb, Cabdifataax Cismaan Cigaal waxana Wasiir Sacad uu qalinka ku duugay Warqada Magacaabista Masuulkan .

Amb Cabdi-fataax Cismaan Cigaal Waxa uu hada Hayaa Xilka Guddoomiyha Guud ee jaliyada Somaliland ee Dalka Jarmalka labadii Sanno ee La Soo dhaafay, waxana


Xusid mudan inuu mideeyey Dhamaan laamihii Jaaliyada Somaliland ee Gobolada Dalka Jarmalka oo hore aanay Gobolo Badan Uga shaqayn Jirin Jaaliyadu.

 

Amb Cabdi-fataax ayaa Intii uu hogaanka Guud ee Jaaliyada Somaliland ee Dalka Jarmalka hayey waxa uu ku guulaystay Inuu Dalka ku soo dhaweeyo Madax badan oo ka soo kicitintay Dal-keenii hooyo,Shirar Caalami ah na la yeelatay Madaxda iyo Haayaadaha Dalkan Jarmalka, waxaana ugu danbeeyey Shir-weynihii Maalgashiga Somaliland ee Sannadkii dhamaaday Dabayaaqadiisii ka dhacay Caasimada Berlin halkaas oo ay Shirka Ka Soo Qayb Galeen Madax ka socota Dawlada Jarmalka ,Ganacsato Tiro badan oo danaynaya inay Maal galin ku sameeyaan Dalka Somaliland iyo Wufuud tiro badan Oo Wasiir Sacad Hogaaminayo oo ka soo Kicitintay Somaliland.

Wax qabadyada kale ee Lagu xasuusto Amb Cabdi Fataax Waxa ka mid ah Inuu inta badan Ka Shaqeeyo isku xidhka iyo Midaynta Bulsha waynta Somaliland ee Dalka Jarmalka oo uu kala Soo Qayb galo Shir kasta oo ay qabsadaan Muxaafid iyo Mucaarad ba kuna booriyo Sidii ay Gacmaha isu qabsan lahaayeen, uguna midoobi lahaayeen Sidii Somaliland Loo bari lahaa Dadka iyo Dalka Jarmalka .

Dhanka kale waxanu wax ka waydiinay Amb Cabdi Fataax Bal hada Sida uu u arko Xilkaas Cusub oo loo magacaabay iyo Dareenkiisa ku aadan waxa uu Noo Xaqiijiyey in uu aad ugu farax san yahay Xilkan Safiirnimo ee ay Dawlada Somaliland u soo igmatay Bulshadiisa iyo Dalkiisana ugu adeegi doono si Daacadnimo iyo Dadaal badani ku dheehan tahay.