Ciidanka Dowladda Oo Gacanta ku Dhigay koox Dil Ka Geysatay Magaalladda Muqdishu.

0 in by Burco Office
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dowladda Oo Gacanta ku Dhigay koox Dil Ka Geysatay Magaalladda Muqdishu.

    Ciidanka Dowladda Oo Gacanta ku Dhigay koox Dil Ka Geysatay Magaalladda Muqdishu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Dowladda Oo Gacanta ku Dhigay koox Dil Ka Geysatay Magaalladda Muqdishu.

Ciidanka Dowladda Oo Gacanta ku Dhigay koox Dil Ka Geysatay Magaalladda Muqdishu.

Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya, ayaa gacanta kusoo dhigay koox hubeysan oo xalay fiidkii nin ku dilay Buundada Ansalooti ee Degmada Xamar-jajab ee magaalladda Muqdishu.

Kooxdii hubeysneed, ayaa watay Bastoolado iyo gaari nooca raaxada ah, sida dadka deegaanka ay u sheegeen Hiiraan Online.

Dhinaca kale, warar aan helnay ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ka tirsanaa shaqaalaha madaxtooyada, waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Cali.

Sidoo kale rasaastii ay kooxda fureen ayaa waxaa ku dhaawacmay nin kale oo la socday marxuumka la dilay.

Guddoomiyaha degmada Xamar jajab Axmed Cismaan Dhoore ayaa warbaahinta u sheegay in ragga dilka geysatay iyo gaarigii ay wateen gacanta lagu soo dhigay xili ay isku dayayeen in ay baxsadaan.

Guddoomiyaha degmada ayaa intaa ku darray in raggan la qabtay lagu wareejin doono laamaha danbi baarista dowladda Soomaaliya.

Magaalladda Muqdishu, ayaa beryihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal gaadma ah oo inta badan kooxaha fuliyana ay baxsan jireen.

Jimcihii lasoo dhaafay, Kooxo hubeysan ayaa magaalladda Muqdishu ku dilay Nabadoon caan ah, oo ka mid ahaa Ergadii wax ka dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Jimcaale Doon-Gaalle, waxaana dilkiisa uu ka dhacay nawaaxiga Isgooyska labo-dhagax ee Muqdishu.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalladda Cadaado ee xaruunta kumeel-gaarka maamulka Galmudug.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo ku hubeysan Bistoolado, waxaana ay ka baxsadeen goobta markii dilka ay geysteen kadib.