Falastiiniyiin badan oo Israa'iil ku xiran oo cuntada ka soomay

0 in by Ankara Turkey
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falastiiniyiin badan oo Israa'iil ku xiran oo cuntada ka soomay

    Falastiiniyiin badan oo Israa'iil ku xiran oo cuntada ka soomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Falastiiniyiin badan oo Israa'iil ku xiran oo cuntada ka soomay
Boqolaal ruux oo Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa'iil ayaa cuntada ka soomay iyaga oo ka mudaaharaadaya xaaladdooda.
Ficilkan waxaa hogaaminaya Marwan Barghouti oo ah hogaamiye reer Falastiin ah oo Israa'iil ay ku xukuntay cimrigaa haku furto, in uu shan ruux dilay awgeed.
Barghouti oo xubin muhiim ah ka ah xisbiga Fatax ee uu ka soo jeedoo madaxweyne Maxamuud Cabaas ayaa la saadaalinayay in uu noqon doono ninka badalidoona Cabaas.
Waxaa jira cabsi laga qabo in mudaaharaadkan uu sare u qaado xiisadda ka taagan dhulka lahaysto ee Daanta Galbeed.
Waaxda xabsiyada ee Israa'iil waxay sheegtay in 1,187 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo ku xiran Israa'iil in ay ku biirayaan mudaaharaadka cuntada lagaga soomayo, arrintaas oo ku soo beegmaysa maalinta maxaabiista Falastiiniyiinta ee sanadlaha ah.
Maxaabiista reer Fastiin ee ku jira xabsiyada Israa'iil ayaa qayb ka ah xiisadda taagan ee u dhaxaysa labada dhinac.
Falastiiniyiinta ayaa maxaabiistaas u arka kuwo siyaasad ahaan u xiran, kuwaas oo badankooda lagu helay weeraro ka dhan ah Israa'iil iyo dambiyo kale.
UN oo Trump uga digtay arrimaha Israa'iil iyo Falastiin
Qaramada Midoobay oo cambaaraysay deegaamaynta Israa'iil
Trump oo danjire ka dhigay nin taageersan haysashada dhulka Falastiiniyiinta
Faransiiska oo martigalinaya shirweyne looga hadlayo Bariga Dhexe
Israa'iil oo "qaabileysa agoonta Suuriya"
Qaar ka mid ahna xiritaankooda waxaa loo adeegsaday sharci loogu yeero xiritaanka maamulka, kaas oo ogolaanaya in dadka laga shakiyo xabsiyada lagu hayn karo muddo lix billood ah iyaga oo aan xabsi la soo taagin.
Dhamaadkii sanadkii hore waxaa xabsiyada Israa'iil ku jiray ku dhawaad 7,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen ururada xabsiyada ee Falastiiniyiinta.