Maamul Goboleedka Puntland Oo Dhaliilay Mashaariicda Uu Turkigu Ka Fuliyo Soomaaliya.

0
Monday April 17, 2017 - 16:43:36 in by Burco Office
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamul Goboleedka Puntland Oo Dhaliilay Mashaariicda Uu Turkigu Ka Fuliyo Soomaaliya.

    Gawoowe(AFKA)Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhaliilay dowladda Turkiga in Mashaariicda ay siiso Soomaaliya ay yihiin kuwo kaliya laga fuliyo Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gawoowe(AFKA)Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhaliilay dowladda Turkiga in Mashaariicda ay siiso Soomaaliya ay yihiin kuwo kaliya laga fuliyo Muqdisho.

Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in Turkiga ay yihiin dad niyad wanaag u haayo Soomaalida, balse ay wax badan ka qaldan yihiin qaabka ay u shaqeeyaan, maadaama uu xusay inay Soomaaliya ay tahay Federaal.

"Turkiga in badan ayay Soomaaliya joogaan, illaa 2011, deeq Soomaaliya oo dhan loogu tala galay ayay magaalo gaar ah iyo gobol gaar ah siiyaan, xaqna ma ahan, Muqdisho iyo agagaareekda kaliya ayaa laga fuliyaa mashaariicda”ayuu yiri C/wali Gaas.

Mr Gaas ayaa sheegay in Turkiga aysan wax shaqo oo muuqda ka qaban Maamul Goboleedka Puntland, isagoo xusay in aanay siin taageero tababarka ciidamada.

"Dalka waa Federaal, wax badan ayaa ka qaldan, waxaa loo baahan yahay in Federaalka sideeda loo dar dar geliyo, Turkiga waa inay fahmaan is bedelka ka dhacay Soomaaliya, wax fahan ah kama heystaan Federaalka, taas ayaa keeneysa in mar kasta dowladda Dhexe la macaamilaan.