Maraykanka Oo Beeniyey Inuu Bishan Duqayn Ka Fuliyey dalka Somalia.

0
Tuesday April 18, 2017 - 09:54:22 in by Burco Office
  • Visits: 525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Beeniyey Inuu Bishan Duqayn Ka Fuliyey dalka Somalia.

    Maraykanka Oo Beeniyey Inuu Bishan Duqayn Ka Fuliyey dalka Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka Oo Beeniyey Inuu Bishan Duqayn Ka Fuliyey dalka Somalia.

-Taliska howlgalka Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa sheegay in aysan duqeyn ka fulinin diyaarada militeriga Mareykanka koonfurta Soomaaliya 14-kii bishan April.
Warbaahinta qaar ayaa wariyay in Mareykanka duqeyn ka dhacday Gobolka Gedo uu ku dilay dagaalyahano ka tirsanaa Al Shabaab.
"Militeriga Mareykanka ma fulin duqeyn ka dhacday koonfur-galbeed Soomaaliya 14-kii bishan, taas oo warbaahinta ay warisayā€¯, sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay howlgalka Mareykanka ee Qarada Africa the US Africa Command (AFRICOM).
Dhinaca kale warka ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya ay aheyd bishii January ee 2017.

 


16-kii bishan April, Wakaaladda wararka dalka Shiinaha ee Xinhua, ayaa baahisay 100 dagaalame oo ka tirsanaa Al Shabaab in la aaminsanyahay in lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya aroornimadii Sabtida.
Duqeynta ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ay lahaayeen Al Shabaab oo ku yaalla deegannada Wargaduud iyo Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, halkaas oo bishii January ee sanadkii 2016 Al Shabaab ay ku dileen inkabadan 100 askari oo ciidanka dowladda Kenya ka tirsanaa.
Warkan oo lagu qoray Wakaaladda wararka dalka Shiinaha ee Xinhua, ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynyta ay ku dhinteen 20 ka mid ah taliyaasha sar-sare ee Al Shabaab oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Fillow iyo Cabdiraxmaan Ben Dutie, sidaasi waxaa yidhi sarkaal diiday in magiciisa la sheego.