Gabadh Yar Oo Sideed Bilood Jirtay Oo Noqotay Ilmaha Adduunka Ugu Buuran

0
Tuesday April 18, 2017 - 10:30:01 in by Burco Office
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Yar Oo Sideed Bilood Jirtay Oo Noqotay Ilmaha Adduunka Ugu Buuran

    Chahat Kumar waa gabadh yar oo u dhalatay Dalka Hindiya, waxaanay noqotay Ilmaha yar ee ugu buuran Adduunka waayo?,Waxa uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chahat Kumar waa gabadh yar oo u dhalatay Dalka Hindiya, waxaanay noqotay Ilmaha yar ee ugu buuran Adduunka waayo?,Waxa uu


 

Chahat Kumar waa gabadh yar oo u dhalatay Dalka Hindiya, waxaanay noqotay Ilmaha yar ee ugu buuran Adduunka waayo?,Waxa uu miisaankeedu noqday 17.2Kg iyada oo jirta Muddo 8 bilood ah oo kaliya, miisaanka xad dhaafka ahna waxay kala kulantay dhibaatooyin Caafimaad oo ay ka mid tahay Neefsashada oo ku adkaatay iyo Maqaarka sare ee jidhkeeda oo isku duuduubmay.


Gabadhan yar oo ku nool Gobolka Banjab ee ku yaalla Waqooyiga Hindiya waxa uu miisaankeedu ahaa markii ay dhalatay mid caadi ah oo aan dhibaato ah ku hayn, balse markii ay 4 bilood jirtay ayuu miisaankeedu bilaabay inuu kor u kaco, waxa aanay haatan la miisaan tahay Ilmaha ay Da’diisu tahay 4 sano, waxa kale oo arrin mucjiso ah noqotay in gabadhan yar oo aan sanad gaadhin ay aad u jeceshahay in raashin badan la siiyo si xad dhaaf ahna wax u cunto, taasoo keenaysa in Miisankeedu mar walba kor u sii kaco.

Cuntada badan ee ay cunayso ayaa iyana ka wareerisay dhakhaatiirta xaaladeeda caafimaad gacanta ku haya, iyadoo dhakhaatiirtu dhibaato ku noqotay inay gabadhan yar dhiig ka qaadaan sababta oo ah Maqaarkii sare ee jidhkeeda oo ah mid aan la kala bixin karayn oo isku duuduuban, xaddiga cuntada ay cunto Chahat ayey dhakhaatiirtu ku sheegeen inay u dhiganto cuntada uu Cuno Ilmaha Da’diisu tahay 10 jirka.

Dhibaatada ugu darran ee haysata waalidka dhalay gabadhan yar ayaa ah in aanay awoodin inay geeyeen dhakhaatiir heerkoodu sareeyo maadaama oo xaaladooda dhaqaale wanaagsanayn.